Sign in to follow this  
Deeq A.

Haweeney sarkaal sare ah oo Al-Shabaab u qaabilsan Muqdisho oo la qabtay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Howlgal gaar ah oo taddobaadkii hore ka dhacay Muqdisho ayaa la sheegay in lagu soo qabtay haweeneey sarkaal sare ah oo ka tirsan madaxda Al-Shabaab ee Muqdisho.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaysa in ciidanka si gaarka ah u tababaran ee laba habeen ka hor galay xaafadda Xamar Jadiid ay soo qabteen madaxii Al-Shabaab u qaabilsanaa canshuuraha gobalka Banaadir oo ah qof dumar.

Ciidankaan ayaa la sheegay in mid ka mid ah mobeellada ay isticmaasho haweeneydaan ay ku xireen qalabka sheega qofka meesha uu joogo kadibna ay galeen gurigeeda oo ku yaala Xamar Jadiid, waxaana sidoo kale halkaas laga soo qabtay 3 qof oo kale.

Guriga la wareeray oo albaabkiisa lagu furay bam gacmeed, ayaa sidoo kale la sheegay in ay ku xirnaayeen kaamirooyinka qarsoon ee CCTV, sida ay noo sheegeen xubno kamid ah kooxdii weerarka fulisay.

Haweeneydaan oo la sheegay in ay badashay madaxii Al-Shabaab ee canshuuraha, kaas oo bilo ka hor isagana laga qabtay Muqdisho walina ku jira gacanta dowladda.

Waxey isticmaashaa dhowr SIM CARD iyo sidoo kale magacayo badan oo ay ka mid yihiin Marwo Sahro, Tabliiqada iyo magacyo kale.

Wali hay’adaha dowladda Soomaaliya kama aysan hadlin arrintaan waxaana la sheegayaa in ay ku socdaan baaritaano iyada iyo rag kale oo la soo qabtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this