Sign in to follow this  
Deeq A.

Samiira Axmed oo ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da

Recommended Posts

Deeq A.   

Samiira Axmed oo ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da

Samiira Axmed oo ku jirta barnaamijka Newswatch sanadkii 2012Dacwadda ay wadatay Samiira Axmed waxay ku muddeysan tahay intii u dhaxeysay 2012-kii ilaa 2018-kii

Samiira Axmed oo tabin jirtay barnaamij ka baxa BBC-da ayaa ku guuleysatay dacwad ay kusoo oogtay BBC-da, oo ku saabsan dood la xiriirtay in mushaaraadka shaqaalaha la simo.

Gabadhan ayaa sheegtay in mushaar aysan u qalmin la siin jiray xilli ay BBC-da ka qaban jirtay barnaamijka ra’yi aruurinta ee lagu magacaabo Newswatch, kaasoo ay ku tilmaantay mid aad u yaraa marka la barbar dhigo mushaarka uu qaadan jiray wariye Jeremy Vine, oo isagana qaban jiray barnaamijka Points of View.

Go’aanka laga soo saaray dacwaddan ayaa lagu sheegay in “shaqada gabadhan ee barnaamijka Newswatch ay la mid tahay shaqada uu qabto Jeremy Vine oo martigaliya barnaamijka Points of View, iyadoo la eegayo qodobka 65(1) ee xeerka simitaanka mushaaraadka shaqaalaka, oo lasoo saaray sanadkii 2010-kii”.

Samiira ayaa sheegtay in hadda ay faraxsan tahay, maadaama xal laga gaaray dacwaddaas.

“Ma jirto haweeney dooneysa inay dacwad kusoo oogto shirkaddii ay horay shaqaalaha ugu ahayd”, ayey tiri, iyadoo intaasna ku dartay: “Waan jeclahay inaan u shaqeeyo BBC-da”.

Maamulka BBC-da ayaa yiri: “Waan ognahay in dacwadaha shirkadaha dhexdooda lagu qaado aysan ahayn kuwo farxad galinaya dhammaan dhinacyada ay khuseyso. Waxaan dooneynaa inaan si wadajir ah ula shaqeyno Samiira, annagoo xalka u heleyna qaab taban”.

Samira Ahmed (midig) iyo Naga MunchettySamiira (midig) oo ay wehlineyso wariyaha barnaamijka subaxlaha ah ee BBC-da Naga Munchetty, maalintii ugu horreysay ee la billaabayay dacwadda

Samiira Axmed waxay u mahad celisay ururka midowga suxufiyiinta ee (NUJ) iyo kooxdeeda dhinaca sharciga, iyadoo mahad taas la mid ahna u jeediyay dhammaan raggii iyo dumarkii ku taageeray ol’olaheeda.

Wariyahan ayaa sheegtay inay ka maqneyd lacag dhan £700,000. Laakiin BBC-da ayaa ku jawabatay in iyada iyo wariye Vine ay qaban jireen “doorar shaqo oo aad u kala duwan”.

Garsoorka ma aysan caddeynin in Samiira ay heli doonto lacagta ay sheegatay inay ka maqan tahay.

Waxay garsooku sheegeen in go’aanka ay soo saareen uu dhigayo in la simo qandaraaska ay Samiira mushaarka ku qaadan jirtay intii u dhaxeysay 1 October 2012 ilaa 30 September 2018 iyo kii uu qaadanayay wariye Jeremy Vine, intii u dhaxeysay 2008 ilaa July 2018″.

Waxay gabadhan ku doodeysay in lagu sameeyay cunsuriyad dhinaca jinsiga ah, maadaama ay haweeney tahay, wariyaha ka mushaarka badnaana uu rag yahay.

Maamulka BBC-da ayaa sheegay in Samiira ay ahayd wariye shaqo fiican qaban jirtay, ayna ka qoomameynayaan in kiiskan uu gaaray heer dacwadeed.

Jeremy VineJeremy Vine wuxuu qaban jiray Points of View muddo 10 sano ah ilaa sanadkii 2018

Xog hayaha guud ee ururka midowga suxufiyiinta ee NUJ Michelle Stanistreet ayaa sheegtay in Samiira ay geesinnimo weyn sameysay markii ay dacwaddaas gudbisay.

Dadkii kiiskan taageeray ee fikirkooda uga hadlay Twitter-ka ayaa la shaaciyay.

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @BBCCarrie

Kmd7ZO3h_normal.jpg

Carrie Gracie

✔@BBCCarrie

@SamiraAhmedUK I could not be more proud of you … and all the #bbcwomen at your back. 2020 is the 50th anniversary of the Equal Pay Act and I hope your victory gives courage to women everywhere to stand up for the value of their work. As for #BBC bosses, time to stop digging.

72 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @BBCCarrie

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @janegarvey1

cbYzdj8B_normal.jpeg

Jane Garvey

✔@janegarvey1

Just brilliant @SamiraAhmedUK – it took real courage and she has it. #equalpay

73 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @janegarvey1

Ka gudub Twitter daabacaad W.Q @MargaretAtwood

9hkhHRJX_normal.png

Margaret E. Atwood

✔@MargaretAtwood

Congratulations! @SamiraAhmedUK @equalitynow https://twitter.com/nujofficial/status/1215628243384045568 

NUJ@NUJofficial

Samira Ahmed wins historic equal pay case – NUJ reaction https://www.nuj.org.uk/news/resounding-nuj-victory-in-landmark-equal-pay-case/ 

36 people are talking about this

Dhammaadka Twitter daabacaadda qore @MargaretAtwood

Samiira ayaa guddiga dhageysanayay dacwadda, oo dhammaatay bishii Nofember, u sheegtay inay fahmi weysay sababta iyada iyo wariyaha ninka ah loo simi waayay mushaaraadkooda.

Vine ayaa lacag dhan £3,000 oo gini ku qaadan jiray halkii xalaqo ee uu ka tabiyo barnaamijka BC-da ee “One’s Points of View”, intii u dhaxeysay sanadihii 2008-dii ilaa 2018-kii.

Hase ahaatee Samiira ayaa barnaamijkeeda Newswatch, halkii xalaqo lagu siin jiray lacag dhan £440 gini.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this