Deeq A. Posted January 1, 2020 Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Baashe Maxamed Faarax waxa uu bulshada reer Somaliland Gudo iyo dibedba ugu Hambalyaynayaa curashada Sannadka Cusub ee miilaadiga 2020-ka. Oo Maalinta Beri Arbacada bilaabmaya. Gudoomiyuhu waxa uu Rabbi uga baryay inuu Inooga dhigo sanad badhaadhe, Nabad, Aqoonsi iyo horumar buuxa uu qarankeena Jamhuuriyada Somaliland gaadho isla markaana wadajir siyaasadeed iyo mid bulshoba inoo horseeda. Shaqaale weynaha iyo Dhamaan qoysaskoodana waxa uu u rajeey Farxad iyo fantasiyo Sanadkaas sanadkiisana ay caafimaadsan, Cimri dherer iyo cibaado suuban ku gaadhsiiyo. ALLAA MAHAD LEH Suleymaan Cabdisitaar Dubad Agaasimaha Warbaahinta iyo Xidhiidhka Dadweynaha ee Golaha Wakiilada JSL. Qaran News Share this post Link to post Share on other sites