Sign in to follow this  
Deeq A.

Isu’socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso iyo Gaalkacyo oo maanta go’an

Recommended Posts

Deeq A.   

Taliyaha Qeybta Booliiska gobolka Bari Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud oo wareysi siiyay Puntland Post, ayaa sheegay in ay hakiyeen isu’socodka gaadiidka laamiga dheer ee Boosaaso iyo Gaalkacyo, kadib markii ay go’day buundada Ciise Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Kalabayr iyo Yalho ee gobolka Bari.

Taliyaha ayaa sheegay, in Buundada go’day ay ku taallo buur dhexdeed biya-mareen ah oo aan lahayn dhinac looga leexdo, sidaasi darteedn ay hakiyeen dhammaan isu’socodka gaadiidka isticmaala laamiga dheer ee xiriiriya gobollada Puntland, si looga hortago shilal halkaasi ka dhaca.

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud, ayaa sidoo kale sheegay in buundadaasi go’an xalay la geeyay qalabkii iyo shaqaalihii dhismaha, islamarkaana saaka lixdii aroornimo ay ka bilaabatay hawsha dhismaha, oo sida injineeradu ku qiyaaseen socon doonta in ka badan 7-ba saacadood.

Dhinaca kale, Taliyaha ayaa sheegay in ay si ku meel gaar ah u raadinayan, meel kale oo ay mariyaan gaadiidka sida dadka xanuunsan, ee aan sugi Karin mudada hakadka la geliyay laamiga dheer.

Hoos ka daawo wareysiga Taliyaha

PUNTLAND POST

The post Isu’socodka gaadiidka Laamiga Boosaaso iyo Gaalkacyo oo maanta go’an appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this