Sign in to follow this  
Deeq A.

Xildhibaankii laga saaray xisbiga Himilo Qaran oo war cusub soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdixakiin Macalin Axmed Maalin oo ka mid ah mudanayaasha Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ka hadlay go’aankii Himilo Qaran ee looga joojiyey xubninadii xisbigaasi.

Xildhibaanka oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa sheegay inuu soo dhoweynayo tallaabadaasi, wuxuuna tilmaamay in ay isku ku aragti ka noqon waayeen arrima masiiri ah xubnaha qaar ee xisbiga iyo isaga, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu carabka ku dhuftay in xukuumadda Soomaaliya ay isku aragti ka noqdeen arrimaha Galmudug, taas oo horay u shaacisay Caasimada Online, kadib markii ay xog gaar ah ku heshay inuu xildhibaan Cabdixakiin taageesansan yahay musharrax dowladda federaalka ee maamulkaasi, Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor-Qoor).

Ugu dambeyn wuxuu markale ku celiyey in ciidamo Itoobiyaan ah aa la geyn guda magaalada Dhuusamareeb, isagoo sheegay in loo baahan yahay cadeyn.

Halkan hoose ka aqriso:

Xubnaha Xisbiga qaarkood waxaan aad ugu kala aragti duwanaanay isku day ay wadaan siyaasiyiinta qaarkood oo ah in colaado laga huriyo deegaanka aan anigu matalo ee Dhuusamareeb, iyo guud ahaan Galmudug, si fowdadaas looga dhex raadiyo dana siyaasadeed oo aan u arkayay in aysan deegaanka dani ugu jirin.

Xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya waxaan isku aragti ka noqonay arrimaha ku saabsan dhismaha Dowlad Goboleedka Galmudug oo ka shaqeynteedu ay tahay waxyaabaha ugu muhiimsan ee aan ku matalo dadka iyo deegaanka Galmudug taas ayaana keentay in xubnaha qaar ay u cuntamiwaysay

Majiro ciidan itoobiyaan ah oo aan kan AMISOM ahayn oo dhuusamareeb jooga, laakiin waxaan rabaa in aan caddeeyo Marnaba in aanan raalli ka noqonaynin, in Ciidan Itoobiyaan ah iyo mid kale toona ay farageliyaan nidaamka doorashada ee Galmudug, sidoo kalana lama aqbali karo in buunbuunis iyo been abuur lagu dhaawaco hannaanka dib u heshiisiin iyo doorasho ee galmudug

Qofka awoodi waayay in uu ka tarjumo baahida deegaanada kala duwan ee dalka ma filaayo in uu awoodi karo hugaaminta guud ee dalka iyo dadka soomaaliyeed.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this