Sign in to follow this  
Wiilo

HAWEENKU MAXAY JECEL YIHIIN…!!?

Recommended Posts

Wiilo   

HAWEENKU MAXAY JECEL YIHIIN…!!?

 

Inkastoo waxyaabaha Dumarku jecel yihiin ay aad u fara badan yihiin oo qoraal kaliya aan lagu soo koobi karin, haddana ogow waxa raggu ay jecel yihiin ayay iyaguna jecel yihiin, balse waxyaabaha ugu muhimsan waxaa ka mid ah:-

 

=GUUR & DHAQAN DAACAD AH:-

 

“Waari meysid war hakaa haro†waa murtida loo cuskado qofka marka uu qaangaaro ee lagu guubaabinayo guurka, taasoo la macno ah “waad dhimanaysaa ee ilmo fir & farac adiga kugu abtirsada hakaa haraan oo magacaagu yuusan bi’in geeridaada kadib, sidoo kale waxaa jira murti guurka dumarka ku kooban oo oranaysa “gabar god hakaaga jirto ama guri raggeed†oo iyana la macno ah “gabar ha guursato ama ha iska dhimato intay guumeys baara noqon lahaydâ€.

 

Haddaba iyadoo arrimahaasi ay jiraan oo guurka sida muuqata lagama maarmaan yahay ayaa haddana Lamaanayaasha guurka ku kulmaya looga baahan yahay inay la yimaadaan dhaqan daacad ku salaysan.

 

Dumarka cudurkooda waa iyagoo la guursan waaya, ragga cudurkoodana waa baagamuudada marka maadaama dumarku Guur u baahan yihiin haddana iska guurso ma ahee dhaqan ayay u baahan yihiin.

 

Bal ka waran, wiilka inta gabar soo guursada oo Hooyadeed, Aabaheed, walaalaheed, aqribadeeda, asxaabteeda & deriskeeda ka soo dhex bixiya (ka soo wata) haddana baararka ku caweynaya iyaduna ay Cidlo joogto.

 

War Ina Raggow gabadha marka la guursanayo guriga aad ka soo kaxaysatay ee Waalidkeed iyo walaalaheed ay kula noolayd kama aysan waayin Jiif, cuno, dhar & sheeko, adigana intaas baad ka soo dhex bixisay markaasaan baararka, goobaha lagu kulmo, biibitooyinka lagu qayilo iyo fadhi ku dirirada ka qosleysaa iyaduna ay cidlo ciirsi la’ fadhisaa oo inta ku sugi weyso iska hurdeysaa, markaasaad xilli dambe ku soo garaacaysaa.

 

Ogow Dumarku waxay rabaan wehel, sheeko, jacayl dhab ah lala wadaago, cidlada inay kaa dugsadaan ileyn adaa reerkeedii jameecada ahaa ka soo dhex bixiyee.

 

Gabar adiga kuu soo go’day oo dadkeedii kaaga soo dhex baxday ayaad ka tagaysaa oo inta casirkii shaarka & macawista kugu bilicda qurxoon soo xirato ka soo jaqaafinaysaa, iyaduna dad deris ah oo aysan is fahamsanayn amaba cidlo uga soo tagaysaa.

 

War sidaa Ilaah xaqiis ma aha ee dumarka waxa ay jecel yihiin & sida ay jecel yihiin haloo yeelo.

 

Waa socotaa….

 

W/D:- C/raxmaan Cumar Madoobe(Dalmar)

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Labadiinnaba idin kaa mudan, nuune waa runtaa markii aan aqriyay runtii waxaan jeclaystay inaan idinla share-gareeyo waana ku farax sanahay inaad aqriseen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Woooooooooow! Qodob cajiib ah oo talo, guubaabo iyo boorinba isugu jira ayuu ahaa. Walaal, waxyaabaha aad ka hadashay oo idil'i waa dhab ee Allah dadka ha isu soo jeediyo.

 

Run ahaantii, kii akhriya ee nin ahi, waa haddii dareen ku haray'e, haddii uu reer leeyahay laba jeer buu ka fakari ooridiisa, hadaanu lahayna wax xasuus ah oo sida wanaagsan ee uu ula dhaqmi lahaa ooridiisa mustaqbalka bay ku reebi wadnihiisa.

 

Tix yar oo qofkii qoray'i uu wadnaha kasoo qoray bay ahayd. Waxayna u eg tahay, maal-mahan madow ee aynu nool nahay baa qoraaga taabatay.

 

Wiilo ku mahadsanid wadaagaaga.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this