Sign in to follow this  
Deeq A.

Ciidamo isku horfadhiya  kaantaraoolka Magaalada Boosaaso

Recommended Posts

Deeq A.   

Ciidamo isku horfadhiya  kaantaraoolka Magaalada Boosaaso

 

boosaaso.jpg

Saraakiil ka tirsan laamaha amniga gobolka Bari, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in nawaaxiga kantaroolka Boosaaso ay isku hor-fadhiyaan ciidanka dowladda iyo ciidamo kale oo ka yimid dhinaca degmada Carmo.

Ciidamada ka soo kicitimay degmada Carmo oo ka amar-qaata sarkaal lagu magacaabo Ciise Yulux ayaa doonayey in ay gudaha u galaan magaalada Boosaaso, ka hor inta aysan is hor-taag ku sameyn ciidan kale oo ka tirsan kuwa Puntland.

Xiisaddaasi ayaa sida la sheegayo ka dhalatay muran iyo khilaaf ka taagan maamulka shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Goob-joogayaal ayaa sheegaya in mararka qaarkood rasaas laga maqlayo nawaaxiga labada ciidan isku hor-fadhiyaan, inkastoo aan wax faahfaahina laga hayn, in khasaare halkaasi ka dhashay.

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this