Sign in to follow this  
Deeq A.

Jabhada ‘Xoreynta Awdal’ oo iclaamisay dagaal cusub oo ka dhan ah Somaliland

Recommended Posts

Deeq A.   

Boorama (Caasimada Online) ― Jabhada Xoreynta gobolada Awdal iyo Selel ee uu Hogaamiyo Suldaan Wabar ayaa markii u horeysay la hadashay warbaahinta, tan iyo intii ay Caasimada Online shaacisay dib u soo rogaal celintoodii.

Jabhada ayaa fariimo u dirtay dadka ku dhaqan gobolka Awdal, iyagoona luuqad adag kula hadlay xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi.

Dib u rogaal celintooda ayey waxay Jabhadu ku sheegtay inaysan waxba iska badali dulmigii ay hore uga qeyliyeen ee u baxeen, isla markaana looga baxay balamihii hore loola galay.

Jabhadan ayaa sidoo kale waxay sheegtay inaysan jirin Somaliland la wada leeyahay, balse ay tahay dowladd Sacad Muuse, oo duudsiisay waxyaabihii ay xaqa u lahaayeen shacabka Awdal.

Waxayna Jabhadu shacabka reer Awdal ugu baaqday inay hubka qaataan oo kala qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah xukuumada Biixi, iyagoona u digay Ajaaniib ay sheegen in ay ku sugan yihiin gudaha gobolka Awdal.

Jabhada Wabar ayaa sidoo kale waxay Mas’uuliyiinta xukuumada Somaliland ugu hanjabtay inay deg deg uga baxaan gobolada Awdal iyo Selel, haddii kale ay arrintaasi kala kulmi doonaan cawaaqib xumo.

Somaliland ayaa waxa sanadihii u dambeeyay ka dilaacay Jabhado badan oo ka soo horjeeda xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi, taasi oo loo aaneynayo tabashooyinka baahsan ee xukuumada Kulmiye iska dhago tirtay.

Caasimada Online
Xafiiska Boorama
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this