Deeq A. Posted November 12, 2019 Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar saacadihii la soo dhaafay maleeshiyaad hubeysan ay ka fuliyeen koonfurta gobolka Mudug. Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa lagu qaaday gaari siday Dhuxul oo ay la socdeen dad rayid ah, xilli uu marayey deegaanka Dhagtuur ee gobolkaasi. Inta la xaqiijiyey waxaa weerarkaasi ku dhintay hal qof oo shacab ah, iyadoona uu sidoo kale ku dhaawacmay mid ka mid ah maleeshiyaadkii qaaday weerarkaasi. Lama oga sababta ka dambeysa weerarkan, mana jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay maamulka gobolka oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan waxaa gobolka Mudug ku soo laa laabta dilal salka ku haya Aanooyin Qabiil oo u dhexeeya maleeshiyaad deegaanka ah oo ku wada sugan gobolkaasi. View the full article Share this post Link to post Share on other sites