Sign in to follow this  
Deeq A.

Askari ka tirsan ciidanka DF oo dil ka geystay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dil xalay askari ka tirsan ciidamada dowladda uu ka geystay barkoontarool oo ku taalla agagaarka xeebta Liido ee Muqdisho.

Dilka ayaa la sheegay in loo geystay wiil dhalinyaro ah oo wade ka ahaa Mooto Bajaj, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Marxuumka la dilay ayaa waxaa magaciisa lagu soo koobay Ismaaciil, iyadoona gacanta lagu dhigay askarigii toogtay.

Wararka ayaa sheegaya in marxuumka iyo askariga ay murmeen, kadibna uu rasaas uu ku furay, taas oo ka haleeshay qeyba sare ee jirkiisa.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha amniga oo ku aadan dhacdadaasi.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this