Deeq A. Posted November 6, 2019 Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Cumar Filish ayaa xalay guddoomiyey shirka todobaadlaha ah ee guddoomiyeyaasha degmooyinka. Shirka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa intiisa badan diirada lagu saaray arrimaha fatahaadaha ka jira dalka, amniga iyo dib u soo celinta bilicda Caasimadda. Filish ayaa sidoo kale faray guddoomiyeyaasha maamullada degmooyinka iyo saraakiisha hay’adaha amniga inay laba jibaraan howlaha shaqo ee loo igmaday. Muddooyinkii dambe maamulka G/Banaadir ayaa waday dadaallo xoogan oo lagu hormarinyo amniga Muqdisho, si looga hortago falalka lidiga ku ah nabadgelyada. View the full article Share this post Link to post Share on other sites