Sign in to follow this  
Deeq A.

Wafdi ka socda UN-ka oo soo gaarey Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha GMDQ marwo Xaliimo Ismaaciil ayaa kulan mira dhal ah oo ku saabsan doorashada qof iyo codka ah ee 2020ka la qaadatay ku xigeenka Xog-haya Guud ee Qaramada Midoobay marwo Aamina J. Mohamed oo booqashao ku timid Muqdisho.

Guddoomiyaha iyo ku xigeenka Xog-hayaha Guud ee QM ayaa ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin kawada shaqaynta arrima doorashada qof iyo cod, helista dhaqaale lagu diiwaangeliyo codbixiyaha, sidii aay u ogolaan lahaayeen madaxda Gobolada in aay Xisbiyadu xaafiisyo ka furtaan sida ugu dhaqsiyaha, uuna u soo bixi lahaa sida ugu dhaqsiyaha badan leh Sharciga Doorashooyinka, iyo sidii aay UN-ka u garab istaagi lahaayeen doorashada 2020.

Waxay sidoo kale si wadajir hoosta uga xarriiqeen in haweenka Soomaaliyeed ay muhiim u tahay iney doorashada uga qeyb galaan cod-bixiye ahaan & musharraxiin intaba.

Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika ayaa si wadajir ah kaalin weyn uga qaata nabadeynta iyo dhismaha dowladnimada Soomaaliya.

Guddoomiyaha Guddiga marwo Xaliimo ayaa ku xigeenka xog-hayaha guud uga mahad celisay hoggaankeeda wanaagsan iyo dadaalka ay ku bixiso horumarinta sinnaanta iyo dhismaha dowladnimo loo dhan yahay. kulankaasoo ku dhamaadey guul.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this