Sign in to follow this  
Centurion

BBC Somali theme music

Recommended Posts

AYOUB   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Some say the musical composition is based on Caraweelo's original, historical musical folk. I don't believe this crap, since I don't even believe Caraweelo existed iskaba dhaaf wax muusiga loo garaacee.

 

You had, however, just given me an idea: To download and save it as a ringtone. The cell phone's usual ringtone is the beautifully composed
.

 

The theme was probably written by a non-Soomaali, though solely intended for Biibiisii Soomaali. It is also a theme that instantly conjures up a recognition by the vast majority of Soomaalis. It also evokes out some childhood memories, men galab casariya ah shaah cabaayo, just before maqrib, waiting to listen Biibiisii at countless biibatooyin in Soomaaliya.

Correction and Clarification. The old theme music for BBC Somali Service called Socodkii Arraweelo belongs to Cabdillahi "Qarshe"(AUN). Maybe the name Qarshe chose for the song might be the source of some confusion, but your suggestion it was not done by a Somali is absolutely dumbfounding.

 

Btw, and while i'm it, I bet you don't know who penned words to the original version of Soomaaliyeey Toosoo. I'll give one clue; it was NOT written by an Italian Fascist as claimed by some contributors to SOL.

 

qarshe1.jpg

 

 

Barnaamajka 1993kii lagaga duubay Telefishanka Jabuuti ee RTD-da, ayaa Cabdillaahi Qarshe lagu weydiiyay Miyuusigga furitaanka ee BBC-da oo uu curintiisa lahaa, waxaanu yidhi:

 

“Aad baan u jeclahay in aan fikraddaa dadka gaadhsiiyo. Markii BBC-da la samaynayay 1957kii waxaan anigu ka shaqaynayay Radio Hargeysa. Waxaan ahaa ‘Broad-caster, musician’ iyo heesaa. Markaa waxay BBC-du na soo weydiisatay in aanu u soo samayno codad ay Idaacadda iyo barnaamajyada ku furaan. Markaa kolley shucuur waddaninnimana waa ay ku jirtay, markaa heestaas oo midho lahayd ayaan u geeyay. Markaa haddaan midhihii raaciyo ma ay qaateen, sidaa daraaddeed ayaan ugu bixiyay codkan ‘Socodkii Arraweelo’; heestaasina waxay ahayd:

“Dadkaan dhawaaqayaa,

Dhulkooda doonayaa,

Hadday u dhiidhiyeen,

Allahayow u dhiib,”

Laga bilaabo heesta ardayda dugsiyadu qaadaan ilaa muusigga ay ku soo gasho Laanta Af-Soomaaliga ee BBC London. Intaba, Cabdullaahi Qarshe wuxuu ahaa qof ku dhex nool.
Xataa wuxuu joogay oo wax ka dabaaldegay xafladdii Kasmo, 3 Abriil 2007.

Fanaanka weyn, Axmed Naaji Sacad, wuxuu munaasabaddii dabaaldegga Abaalmarinta Wargeyska Kasmo, ka dhex qaaday hees Cabdullaahi Qarshe tiriyo tii ugu dambeysay; waa heesta
‘Gumownayeey’
ka soo qoray maalmo ka hor geeridiisa.

Markii Axmed Naaji heeskaas qaaday, dadkii xafladda dabaaldegga joogay, sidii in Cabdullaahi Qarshe soo galay goobta, ayaa xushmeynta iyo weyniintiisa loo wada joogsaday, waxaana dadka qaarkood indhahooda ku hubaa in ay ‘lmo’ ka soo qubatay.

Qarshe, qofka dadnimadaas leh, markii iigu horreysey iyo halkii aan ku bartay toona ma xusuusto. Waxaanse xusuustaa galab aan soo galay ‘Aqalka BBC-da ee Bush House’. Halkan waxaa Laanta Af-Soomaaligu ku soo gaba-gabeyneysey barnaamij ay ku xusaysey 40-Guurada ka soo wareegtay markii iyada la aasaasay.

BBC-du, 40kaas sanoba waxay ku gaardinaysey socodka Arraweeladii la sheegay in ay xilliyo hore ka talin jirtay dalka maanta lagu magacaabo Soomaaliya. Taas oo dib noogu soo noolaatay markii Cabdullaahi Qarshe laxan iyo muusig ugu sameeyey habkii ay u socon jirtay boqoraddu!

Ingiriisku ‘colaadda’ uu u qabo Soomaali, malaha, waxaa looga tilmaan qaadan karaa Laanta Afka Soomaaliga oo yeersata ‘turubada’ socodkii Arraweelo, oo eelkii rag iyo dumar ay kala gelisay ilaa maanta taagan yahay.

Arrintani waxay dib inoogu celinaysaa, Sanadkii 1988, markii aan Cabdullaahi Qarshe kula kulmay qado loogu sameeyey magaalada Nairobi, Aqalka Danjirihii Soomaaliya u fadhiyey Kenya, Axmed Sheekh. Waxay ahayd qado maamuuska iyo weynenta Qarshe, darteed loo sameeyey.

Waxaa sharaf ii ahayd in martiqaadkaas la igu casuumay, waxaana markii la qadeeyey, aan Cabdullaahi Qarshe warsaday, bal haddii uu na maqashiin karo miraha heesta ay muusikadeeda ku soo gasho Laanta Af-Soomaaliga ee BBC London.

Markuu soo kala rogtay Gamankii uu caanka ku ahaa, ayaan Qarshe warsaday waqtigii iyo munaasabadii heesta la curiyey? Jawaabtii Qarshe sidan ayey ahayd:
“Waxay ahayd magaalada Hargeysa, xilligii Britain gumeysaneysey Waqooyiga Soomaaliya. Markaas gumeysigu wuxuu caburin jiray Gumeysi-diidka Soomaalida. Heesta: ‘Dadkaan dhawaaqaya, Dulkooda doonaya, Hadday u dhiidhiyeen, Allahayow u dhiib’.

Sharqanta heestaas markii Ingiriisku maqlay, wuxuu u yeeray Abwaanka oo uu caddayn ka warsaday waxa heestu ku saabsan tahay? Wuxuu ugu jawaabay:
“Waa Socodkii Arraweelo ‘Arrawelo March!”
.

Socodkaas oo ay ilaa maanta ku jirto.
Hase ahaatee, BBC-du in ay xuquuqda alifidda u ogolaatay Cabdullaahi Qarshe iyo in ay booli ku haysato oo ay wax ka soo bililiqaysatay maskaxda Soomaalida, markii Ingiriisku wax ka gumeysanayey; mid ay tahayba baaritaan kuma aanan sameyn. Haddiise Cabdullaahi Qarshe helay faa’iidada allifaha, markaas Abwaanku wuxuu noqon lahaa qof ka mid ah kuwa ugu hodansan Fanaaniinta Qaaradda Afrika.

456711FC_3AE2EB12_B15382DC-86-jpeg

“Aqoon la’aani waa iftiin la’aane, waa aqal iyo Ilays la’aane, ogaada ogaada dugsiyada ogaada” ~ Qarshe 1924 - 1997

Share this post


Link to post
Share on other sites

The theme was probably written by a non-Soomaali

It sounds distinctly Somali, i don't know what made you think otherwise, Ayoub thanks for clarifying.

 

GG, i'm afraid i'm allergic to Sci-fi :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

What a crappy anthem! Somaliland, Hire me so I can make you a better anthem.

 

 

The actual Somali National Anthem is so real tho. I luv it, as a matter of fact when I was listenning to it I had to stand up.

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

Jacaylbaro,

 

I love the heesta calanka tiraahda.

 

Suubanow wanagow,

Kii aan suganee,

Sodon sanaa maqnaayow.

Somaliland iyo Samadaadiweeeyee, :cool: :D

Calanyahow salaan wacan,

Soo noqoshadaadana sababwaxaan uga dhigayaa,

Somaaliwayn iyo,

Sidii aan rabnaybaa, :(

Suurtoobiwaydayee,

Calanyahow salaan wacaaaaaaan. :cool: :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

MMA,

 

Ever thought of composing 'niiko' style national anthem for the flag.

 

 

It would be fun to say 'everybody up for patriotic niiko'....isii habartee kii abuuree kudhaartee calankee waaye, sakac, midig laabta saar, bidixna dhex ku qabso, sakac sakac. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Laba-X   

^ War Aw Mujahid Red Seayow, ilaa jigjiga waran kula jugleye jooji edeb darrada iyo caydan aad wadid yaanan matoobiyad kula dhicine saacadaa xaadirka ahe!

 

Waa digniine ogow...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Red Sea:

MMA,

 

Ever thought of composing 'niiko' style national anthem for the flag.

 

 

It would be fun to say 'everybody up for patriotic niiko'....isii habartee kii abuuree kudhaartee calankee waaye, sakac, midig laabta saar, bidixna dhex ku qabso, sakac sakac.
:D

Waraa waa ku dhufataa u maleynaa, don't disrespect calan like that, mise mid kugu niikiso in laguu keenaa rabtaa. Amee ku jibjibisaa hee. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this