Sign in to follow this  
Deeq A.

Deni oo magacaabay Agaasimaha PISA

Recommended Posts

Deeq A.   
FB_IMG_15692754677217699.jpg?w=1000&ssl=Mukhtaar Jeyte

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku sugan magaalada Boosaaso ayaa caawa magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland ee PISA.

Digreeto ka soo baxday Madaxweyne Deni oo sumadeedu ahayd Lr. 93 September, 23, 2019 ayaa loogu magacaabay Mukhtaar Maxamed Xasan Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Mukhtaar Maxamed Xasan oo ku magac dheer Mukhtaar Jeyte ayaa hadda ahaa Wasiir ku xigeenka Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiwali Gaas ayaa sanadkii hore mideeyay hay’adihii PIA iyo PSS, kana dhigay PISA agaasimana ugu magacaabay Cabdiqafaar Yaasiin Yacquub oo tan iyo xiligaas xilka hayay.

Hoos ka akhriso digreetada Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr. 93 September, 23, 2019 ku magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Datuurka Dowladda Puntland

Markuu arkay: Aqoontiisa iyo khibraddiisa shaqo

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa Mukhtaar Maxamed Xasan loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

PUNTLAND POST

The post Deni oo magacaabay Agaasimaha PISA appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this