Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland: Gorgor Wiil Yar ku Cunay Deegaanka Xaaji Saalax

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax ee gobolka Daad Madheedh Cali Muuse Faarax ayaa sheegay in gorgor dad cun ahi  uu shalay ku cunay wiil yar oo 9 jir ah meel 4km u jirta  degmada Xaaji Saalax oo ku taalla dhinaca xadka Itoobiya.

istock-615981668.jpg

Cali Muuse Faarax Guddoomiyaha Degmada Xaaji Saalax oo maanta u warramayey Wakaalada Wararka Somaliland ee SOLNA, ayaa sheegay in gorgorkaasi uu cabsi ku abuuray bulshada deegaanka  isla markaana ay waalidiintu heegan ugu jiraan sidii ay carruurta xoolaha la joogta uga ilaalin laheyd gorgorkaas dad cunka ah.

Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in wiilkii uu shalay cunay gorgorkaasi saaka la aasay.

Cali Muuse Faarax wuxuu tilmaamay in Gorgorkan oo la moodayey mid kaliya dhawaan la dilay hase ahaatee ay soo baxayso dhawr xabo yihiin.

Guddoomiyaha degmada Xaaji Saalax wuxuu bulshada deegaankaas ugu baaqay inay si feejigan caruurta iyo xoolahaba uga ilaaliyaan gorgorkaasi.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this