Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabaab oo soo bandhigay odayaal hor leh ‘oo cafis soo weydiistay’

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay tiro kale oo ah odayaal cafis u doontay, kuwaas oo ka mid ah odayaashii dhaqanka ee soo xulay ergadii soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

Odayaashaan ayaa lagu soo ban dhigay deegaanka Kuunya Barroow ee gobolka  Shabeellada Hoose, waxaana la sheegay in ay ka kala yimaadeen gobolada Shabeellada Hoose iyo Bay ee uu ka arimiyo maamulka Koonfur Galbeed.

Tirada odayaasha ay soo ban dhigeen Al-Shabaab ayaa gaareysa ilaa 53 ruux, kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay siminaar ku qaadanayay deegaanka Kuunya Barrow.

Munaasabaddii lagusoo bandhigayay odayaashaas ayaa waxaa kasoo muuqday labo ka mid hoggaamiyaasha ugu caansan Al-Shabaab oo lagu kala magacaabo Sheikh Fu’aad Maxamed Khalaf (Fu’aad Shangole) iyo Sheikh Abuu Usaama oo Al-Shabaab u qaabilsan gobolka Shabeellada Hoose.

Fu’aad Shangole oo qudbad u jeediyay odayaasha Al-Shabaab cafiska u doontay ayaa kula dardaarmay in ay kaalintooda ka qaataan halgan uu sheegay in Al-Shabaab ay ka wadaan dalka.

Al-Shabaab ayaa 15-kii bishii 7-aad ee sanadkaan waxey soo saareen amarkoodii ugu horeeyay ee si shaac baxsan ay ugu yeerayaan odayaashii soo xulay ergadii ka koobneed 51-ka xubnood ee soo dooratay xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka Soomaaliya.

2-4.jpg 3-4.jpg 5-2.jpg 6-2.jpg 7-1.jpg 8-1.jpg mini_18-1024x683.jpg1-4.jpg 22-6.jpg mini_23-1024x683.jpg

Caasimada Online

Xaafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this