Sign in to follow this  
Deeq A.

Jubaland oo cambaaraysay is-hortaagii lagu sameeyay Sheikh Shariif iyo xayiraadda saaran duullimaadyada Kismaayo

Recommended Posts

Deeq A.   
Shirka.jpg?w=1000&ssl=1Sawir hore: shirka Golaha Wasiirada Jubaland

Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubaland ayaa si adag u cambaareeyay dhacdadii shalay lagu hor istaagay madaxweynihii hore dalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed iyo Wefdi uu hoggaaminayey oo ku sii jeeday magaalada Kismaayo ee Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay Jubaland ayaa lagu sheegay in xannibaadda iyo is hor-taagga lagula kacay wefdiga Sheikh Shariif ay ka soo horjeedo shuruucda iyo Dastuurka dalka u yaalla ee muwaaddinka Soomaaliyeed xorriyad u siinaysa in uu tegi karo una safri karo meesha uu doono sida ku cad qodobka 21-aad ee Dastuurka KMG Soomaaliya.

Jubaland waxay kale oo sheegtay in maalmihii la soo dhaafay shaqaalaha rayidka ah iyo mas’uuliyiinta Jubaland lagula kacay falal gurracan oo ay kamid yihiin hanjabaado iyo su’aalo cunsuriyadaysan oo baalmarsan shuruucda iyo Dastuurka dalka xilliyada ay safarka yihiin.

Sidoo kale dowlad goboleedka Jubaland waxay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedaysay in ay tagri-fal awoodeed u isticmaalayaan madaxda iyo shacabka ka aragti duwan islamarkaana maamulka Hawada Soomaaliya u adeegsanayaan dano gaara oo siyaasadeed.

Ugu dambeyntii Jubaland waxay dowladda Federaalka Soomaaliya uga digtay ku tumashada xuquuqda muwaaddiniinta Soomaaliyeed iyo Dastuurka dalka u yaalla taasi oo sida ay Jubaland sheegtay dhaawacaysa midnimada iyo wadajirka umadda Soomaaliyeed.

madoobe.jpg?w=1000&ssl=1

PUNTLAND POST

The post Jubaland oo cambaaraysay is-hortaagii lagu sameeyay Sheikh Shariif iyo xayiraadda saaran duullimaadyada Kismaayo appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this