Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxda Dowladda Hoose Oo Ku Wajahan Maamul Goboleedyada Muxuuse Yahay Qorshahooda

Recommended Posts

Deeq A.   

Maamulka Kooxda Dowladda Hoose ee Muqdisho City Club ayaa sheegay in ay safar shaqo ku bixindoonaan maamul Goboleedyada,iyagoo halkaa ku dhaleeya kooxaha kubbadda cagta ee ka dhisan gobolada wuxuuna hadafka ugu weyn ay arinta tahay wada shaqeen dhexmarta kooxaha kala gedisan ee ka dhisan Soomaaliya.0T8A5301-1024x683.jpgGuddoomiyaha naadiga Muqdisho City Club Abuukar Maxamed Sheekh ayaa Goobjoog u sheegay in ay kooxdiisa ciyaaro saaxiibtinimo u aadayso dhamaan Maamul Goboleedyada dalka,balse iminka ay ku hormarayaan Puntland,iyagoo halkaa kulamo saaxiibinimo kula ciyaaraya naadiyada ka dhisan Puntland.

ba-1024x576.jpg

Guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubbadda cagta Cabdiqani Saciid Carab ayaa kooxaha kubbadda cagta kula dardaarmay in ay tababaro iyo kulamo saaxiibtinimo sanad kasta u aadaan caasimadaha kale ee wadanka,isagoo sheegay in ay qeyb weyn ka qaadanayso horomarka kubbadda cagta Soomaaliya.

cb-1024x576.jpg

Inta badan oo ka tirsan ciyaartooy ku nool Maamul goboleedyada waxaa fursad ah kasoo muuqshada tartanka kubbadda cagta Maamul Goboleedyada Gobolka Banaadir guddoomiyah Muqdisho City Abuuka Maxamed Sheekh ayaa sheegaya in booqashooyin hadii ay badiyaan lagu helayo wax badan oo horomar u ah.56823435_2240243792689037_73849678934709

Cabduulahi Faarax Daguur oo ka mid Falanqeeyaasha ciyaaraha gudaha ayaa qaba aragtan in loo baahnaa waqti hore,isagoo dhinaca kale madaxda ciyaaraha usoo jeediyay in fiinalaha tartamada kubbadda cagta lagu qabto caasimadaha kale, si is dhax-galka bulshada iyo xiisaha tartamada gudaha ay u balaartaan.

0T8A0611_Moment-1024x576.jpg

Halkan Ka Daawo Warbixin Safarka Ay Muqdisho City Club Ku Aadayso Maamul Goboleedyada

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this