Sign in to follow this  
Deeq A.

“Dawladda Xamar Waxay Ka Codsatay Maraykanka, Ingiriiska Iyo IMF, In Somaliland La Joojiyo Lacagta..” Wasiirkii Hore Ee Maaliyadda

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Wasiirkii hore ee wasaaradda maaliyadda Somaliland haatan ah xubin ka tirsan guddida tacliinta sare, Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa sharaxaad ka bixiyey hadal madaxweyne uu laba goobood kaga hadlay, isla markaana ay bulshadu siyaabo kala duwan u fasiratay kaasi oo ku saabsanaa saldhigga millateri ee dawladda Imaaraadku ka samaysanayso madaarka magaalada Berbera.

Wasiir-hore.jpg

Yuusuf oo arrintaasi ka hadlayaa ayaa yidhi; “laga yaaba, Dadka iyaguun baa siyaabo kala duwan u fasirtay, Hadalkii madaxweynaha. Horta wax faraq ah oo u dhexeeya ma jirin. Marka hore dawladda Somaliland iyo Imaaraadku waxay wada galeen heshiis dhinacyo badan ka kooban, dalalka Imaaraadka iyo Sucuudiga oo aynu walaalo ku nahay diinta, xaqiidada, arrimaha siyaasadda. Heshiisyada aynu la galnay waxa ka mid ahaa, in Base Millateri oo deked ah la dhiso, waa la dhamaystiray, in madaarka magaalada Berbera la habeeyo una isticmaalaan militeri, socdaalkii ugu dambeeyay ee madaxweynaha ayuu madaxweynuhu usoo jeediyay, kana codsaday, in maadaama laba madaar uun ay imika inoo shaqeeyaan, kan Hargeysa iyo ka Berbera, in kaa berbera loo adeegsado mid shicib ah, Adduunweynaha casriga ahna maanta waxaanu ognahay in madaarada labadaba loo adeegsado (Milliteri iyo Madani) markaa madaxweynuhu ummadda reer Somaliland ayuu ugu bushaaraynayay in madaarkii berbera laga shaqeeyay, si fiican oo casri ahna ay u dhiseen madaarka berbera oo ah madaarkii ugu dheeraa uguna weynaa kuwa afrika ka jira, in maanta uu diyaar u yahay in madani ahaana aynu u isticmaali doono.”

Yuusuf Maxamed Cabdi waxa uu farriin u diray dawladda Soomaaliya oo uu sheegay inay dagaal kula jirto Somaliland, “Dawladda Soomaaliya, Waxaynu ka wada dheregsan nahay wixii ay ka yeeleen DP world iyo maalgashiga Imaaraadku ka wado gudaha Somaliland, waxaydun ogaydeen inay hor istaagaan qaadhaan-bixiyeyaashii Adduunka, waxaydin ogaydeen arrintii xajka iyo tii xoolaha wixii ay ka yeeleen, maantana inay wadaan oo ay ka codsadeen dawladda Maraykanka iyo dawladda Ingiriiska iyo sanduuqa lacagta adduunka ee IMF loo yaqaan, in lacagta Somaliland la joojiyo oo la baabi’iyo si lacagtooda loo isticmaalo. Sidaa darteed waxa aan leeyahay dawladda Xamar fadhida, waar ka waantooba xumaanta iyo hagardaamada aad la daba socotaan Somaliland oo ixtiraama wanaaga intabadan shacabkeeda iyo dawladoodu idinkula dhaqmaan.”

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this