Sign in to follow this  
Deeq A.

Dibad-baxyo Lagaga Soo Horjeedo Madaxweynaha Masar Oo Ka Dhacay Qaahira

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Qaahira)-Magaalada Qaahira ee caasimada Dalka Masar waxaa xalay ka bilaabmay dibad baxyo lagaga soo horjeedo madaxweynaha tallada Haya Cabdifataax Siisi, boqolaal qof ayaa iskugu soo baxay fagaaraha caanka ah ee Taxriir Square. Ciidamada Booliska Dalka Masar ayaa la sheegay inay sunta dadka ka ilmaysiisa adeegsadeen si ay u kala caydhiyaan dibad baxayaasha.

2e7ba027ea1b40d4816a4bc67a0b4ad2_18-740x

Shacabka mudaharaadaya ayaa dalbanaya in uu si casilo Madaxweyne Siisi iyagoo ku eedaynaya musuqmaasuq iyo ku tagri fal awoodeed, dibad-baxyo kale ayaa laga soo sheegayaa Magaalooyin kale oo ku yaal Dalka Masar.

2011 ayaa sidaan oo kale Masar waxaa ka bilaabay dibad baxyo balaaran oo looga soo horjeeday madaxweynihii hore ee Dalka Masar Xusni Mubaarak taas oo aakhirkii keentay in xilka laga tuuro, 2013 ayaa sidoo kale af-gambi milateri waxaa xilka looga tuuray madaxweynihii ugu horeeyay oo hab dimuqraadi ah lagu soo doorto Maxamed Mursi kaas oo aakhirkii ku dhintay Xabsiga.

Madaxweynaha talada Haya Cabdifataax Siisii ayaa isagu beeniyay eedaymaha musuqmaasuq ee loo haysto, waxa uuna ku tilmaameyn ” BEEN ”, xaalada dhaqaale ee Masar ayaan wanaagsanayn mudooyinkii danbe.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this