Sign in to follow this  
Deeq A.

Somaliland Oo Shir Weyn Ku Qabanaysa Nairobi

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Nairobi)-Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Bisha November ee sannadkan magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku qabanaysa Shirk u wajahan Tamarta iyo Kaabeyaasha dhaqaalaha.

Bashe.jpg

Sidaasna waxa xaqiijiyey Safiirka Somaliland u fadhiya Nairobi Md. Baashe Cawil Xaaji Cumar oo u warramay Wargeyska ka soo baxa Uganda ee East African Business Week oo ay soo xigatay Wakaaladda Wararka Somaliland ee SOLNA.

Wargeyska East African Business Week, wuxuu shirkaasi ku tilmaamay inuu qayb ka yahay qorshaha muddada dheer ee Somaliland ku doonayso inay maalgashadeyaasha Kenya ku guubaabiso sidii ay dhaqaale u gashan lahaayeen Tamarta Somaliland oo ah waddan qani ku ah macdanta oo u heellan maalgashiga caalamiga ah.

Safiirka Somaliland u fadhiya Kenya Baashe Cawil Xaaji Cumar ayaa war-saxaafadeed uu soo saaray ku caddeeyey in ujeeddada shirka Somaliland ku qabanayso Nairobi la xidhiidho sidii xog ballaadhan looga bixin lahaa mashaariicda ku wajahan kaabeyaasha dhaqaalaha ee hadda ka socda dalka iyo sidii loo abuuri lahaa mashaariic kala duwan oo saameyn weyn oo dhinaca horumarka ah ku yeesha Somaliland.

Shirkan ayaa ku soo beegmay maalmo ka dib, markii Wakiilka Somaliland uu la kulmay Wasiirka Macdanta iyo Baatroolka Kenya Mr. John Munyes oo kulankooda kaga wada hadlay sidii labada dal iskaga kaashan lahaayeen dhinaca Tamarta.

Waxa kaloo dawladaha Somaliland iyo Kenya ay isla soo qaadeen sidii ay wadajir uga wada shaqeyn lahaayeen dhinaca dhaqaalaha gaar ahaan wax soo saarka Shiidaalka iyo dhoofintiisa. Sidoo kale waxay labada masuul ka wada hadleen arrimo ku saabsan ammaanka mandaqadda.

“Waxaan ku faraxsan nahay in dhawaan Kenya ay ku tallaabsatay arrin taariikhi ah oo ay ku biirtay ururka dalalka shiidaalka soo saara, sidaas darteed, waxaan ku faraxsan nahay inaan xafiiskiisa kula kulmay Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya John Munyes oo hoggaaminayey guushaas weyn ee dalkiisu gaadhay,”ayuu yidhi Danjire Baashe Cawil.

Baashe Cawil wuxuu sheegay inuu Wasiirka Macdanta iyo Shiidaalka Kenya tafaasiil ka siiyey in JSL ay dhowaan dhammaystirtay sahamintii dhinaca shiidaalka ee ugu ballaadhneyd Afrika, isla markaana ay danaynayaan in Somaliland iyo Kenya si dhow iskaga kaashadaan arrimaha dhaqaalaha iyo ammaanka.

Somaliland waxay leedahay 24 aag oo shiidaal ku jiro, kuwaasi oo lix ka mid ah ay heshiisyo ula gashay saddex shirkadood oo caalamiya oo kala ah Genel Energy,Rak Gas iyo Ansen Gas.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this