Sign in to follow this  
Deeq A.

Ka hor Safarkiisa UN-ka: Farmaajo oo Saxiixaya Sharciga La Dagaalanka Musuqmaasuqa oo 10 Bil u Xareysnaa

Recommended Posts

Deeq A.   

Madaxweynaha JF ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa hadda saxiixaya dhismaha gudiga la Dagaalanka Musuqmaasuqa, kaas oo muddo 10 bil armaajada ugu jiray.

Sharcigan ayuu golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ansixiyey December 5, 2018, waxaan ansixiyay dhammaan sanatarda soo xaadiray kulanka oo ahaa 31 [kow iyo sodon senator].

Sharcigan oo muhiim u ah dowladnimada Soomaaliya ayaan la ogeyn waxa uu madaxweynaha u heystay muddo 10 bil iyo sababta hadda uu ugu soo beegay isaga oo saacadaha soo socda u duulaya New York si uu halkaasi uga jeediyo khudbad uu uga hadlayo xaaladda Soomaaliya.

Goobjoog News

Source: goobjoog.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this