Sign in to follow this  
Deeq A.

Madaxweynaha Somaliland oo amaro culus soo saaray

Recommended Posts

Deeq A.   

Hargeysa (Caasimada Online) – Golaha wasiirada Somaliland oo kulan ku yeeshay magaalada Hargeysa ayaa si adag kaga hadlay xaaladda ammaan ee deegaanada maamulkaasi.

Kulanka oo ahaa mid xasaasi ayaa waxaa shir guddoomiyey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Intiisa badan waxaa diirada lagu saaray arrimaha nabad gelyada, gaar ahaan gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Somaliland oo madasha ka hadlay ayaa amray saraakiisha hay’adaha amniga in ay ka hortagaan xiisadaha ka taagan gobolkaasi.

Sidoo kale wuxuu faray ciidamada amniga inay gacanta ku soo dhigaan dadka ka dambeeya hurinta colaadahaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyadoo muddooyinkii dambe xiisado u dhexeeya Jabhado ka soo horjeeda Somaliland iyo sidoo kale ciidanka Puntland oo dhinac kale ah ay ka taagnaayeen deegaano ka tirsan gobollada Sool iyo Sanaag.

Caasimada Online                                          Xaafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com

 

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this