Sign in to follow this  
Deeq A.

Dowladda Soomaaliya oo baaq u dirtay Beesha Caalamka

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa waxay waydiisatay Beesha Calaamka in ay garab istaagaan Ciidanka Xoogga.

Xasan Cali Maxamed, wasiirka gaashaandhiga, ayaa tibaaxay in saaxiibadda caalamka ay bogaadiyeen guulihii ugu dambeeyay ee xoogaga difaaca.

Mr Amar Dambe oo warbaahinta la hadlay ayaa dhanka kale shaaciyey in la xoojinayo howlgaladda ka dhanka ah Al-Shabaab.

Qaar kamid ah goboladda dalka ayaa waxaa ka socda howlgalo balaaran oo ay ciidamadda ku qabsadeen degaano horleh oo wali baaqi ku ah gacantooda.

Tuullooyinka ay xorreeyeen ayaa waxaa kamid ah; Awdheegle, Sabiid, Caanoole, Bariire iyo degaano kale oo dhaca koonfurta iyo bartamaha dalka.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this