Sign in to follow this  
Deeq A.

Maamulka gobolka Sh/Hoose oo balanqaad sameeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Gudoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose ayaa shaaca ka qaadey in ay ka go’an tahay in adeegyadda dowladda la gaarsiiyo degaanada fogfog.

Si gaar ah, Ibraahim Aadan Najax, ayaa waxa uu farta ku fiiqay tuulooyinka gobolka hoos-yimaada oo ay haatan kawadaa ciidamadda howlgalo balaaran.

Mr Najax oo sii hadlaya ayaa ka codsaday shacabka in ay qayb ka noqdaan dedaalada dowladdu wado ee AlShabaab looga saarayo meelaha ay ku sugan tahay.

Hadalkan ayaa kusoo hagaagaya iyadda oo ciidanka ay mar sii horeysay qabsadeen Awdheegle, Bariire, Sabiid, Caanoole iyo degaano kale.

Hoos ka dhageyso codka

https://www.radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/09/Shabellaha-Hoose.mp3

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this