Sign in to follow this  
Deeq A.

Guddi ka tirsan BFS oo kulamo ka wada Garowe

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka Qaranka ee Golaha Shacabka oo howla shaqo u joogo Magaaladda Garoowe ee caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa la kulmay guddoomiyaha Golaha Wakiiladda Dowlad Goboleedka Puntland Mudane C/Xakiim Moxamed Axmed {Dhoobo} iyo guddiga joogtada ah ee Golaha Wakiiladda.

Guddiga ayaa ayaa u sharaxay gudoomiyaha golaha wakiiladda puntland iyo guddiga joogtada cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka qaranka.

Guddoomiyaha guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka Xildhibaan C/laahi Abuukar Xaaji (Eng. Carab ) ayaa kaga mahadceliyay guddomiyaha Golaha Wakiilada Puntland iyo guddiga joogtada ah sida wanaagsan oo ay soodhaweyn Guddiga iyo sida ay u dhageysteen sharaxaadii ay guddiga ay ka bixiyeen Cutubyada uu ka kooban-yahay Sharciga Doorashooyinka Qaranka.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Baarlamaanka Puntland C/xakiim Maxamed Axmed {dhoobo} ayaa guddiga KMG ah ee soo diyaarinta sharciga doorashooyinka qaranka ee Golaha Shacabka kaga mahadceliyay sharaxaada ay ka siiyeen cutubyada uu ka kooban yahay sharciga doorashooyinka Qaranka.

Guddiga iyo Guddoomiyaha golaha wakiiladda Puntland ayaa ku balamay in ay mar kale ay dib u kulmaan si ay guddiga ugu soo bandhigaan aragtiyadooda ku aadan sharciga doorashooyinka qaranka.

Image may contain: 1 person, smilingImage may contain: 3 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table, drink and indoorImage may contain: 5 people, people sitting, table and indoor

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this