Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Dagaal dhex-maray shacab hubka qaatay iyo maleeshiyada Al-Shabaab

Recommended Posts

Deeq A.   

Xudur (Caasimada Online) – Shacabka ku dhaqan Gobolka Bakool ayaa qaarkood hubka u qaatay sidii ay Ururka Al Shabaab kula dagaalami lahaayen gobolkaasi, ujeedkooduna uu yahay in ay iska difaacaan.

Shacabka ku dhaqanka Deegaanka Yabyab ee duleedka Magaalada Xudur ayaa ka dhiidhiyay xoolo ay xalay Ururka Al Shabaab ka kaxeysteen dadka deegaanka, waxayna bilaabeen in ay hubka qaataan.

Shacabka oo si iskood ah isu soo abaabulay ayaa maanta maleeshiyada Ururka Al Shabaab kula dagaalamay Deegaanka Yabyab.

Dadka reer Yabyab oo xoolo dhaqato u badan ayaa la soo sheegaya in ay xoolahooda dib kaga soo ceshteen maleeshiyada Al Shabaab, waxaana kolkii dambe halkaasi gaaray Ciidanka Xoogga Dalka oo gurmad ahaan uga baxay Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

C/laahi Aadan Maxamed oo ah hoggaamiyaha shacabka u istaagay inay Shabaabka la dagaalamaan ayaa sheegay in ay u adkeysan waayeen dhibaatada joogtada ahi, ee Shabaabku ku hayaan bulshada deegaanka.

C/laahi Aadan oo la hadlayay Warbaahinta Dowladda ayaa yiri “Waxaan u adkeysan weyney dilka, gowraca iyo dhaca joogtada ah oo ay noo gaysanayan Al Shabaab, ka dib waxaan go’aansanay in aan u hub uruursano oo aan la dagaalano, arrintaasna waan ku guuleysanay.”

Ugaas Cali Dirir oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee dadka deegaanka ku dhiirageliyay inay Al Shabaab la dagaalamaan ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay dagaalka sii wadaan.

Ugaas Cali Dirir oo la hadlay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in dadka reer Yabyab ay la baxayn magaca ah (Cali Qaran), waxayna dadka Shabaab la dagaalamaya ay u badan yihiin kuwo da’ ah.

Dadka ku dhaqan Gobolada Koonfurta & Bartamaha Somaliya qaarkood ayaa hubka u qaatay, sidii ay isaga difaaci lahaayen maleeshiyada Al Shabaab.

Bakool.jpg Bakool1.jpg Bakool3.jpg Bakool4.jpg Bakool5.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this