Sign in to follow this  
Deeq A.

Kooxo hubeysan oo askari ka tirsanaa DF ku dilay Muqdisho

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (SMN) – Faah faahinno dheeri ah ayaa laga helayaa dil maanta askari ka tirsanaa ciidamada dowlada loogu geystay isgoyska Afarta Darjiin ee M/Muqdisho.

Ragga ku hubeysnaa Bistoolado ayaa toogtay askarigaasi oo xirnaa dharka tuutaha Milatariga Soomaaliya, sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogayaal.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxihii ka dambeeyey dilkaasi ay goobta isaga baxsadeen, kadibna ay horay uga sii qateen Qoray AK47 ah oo uu sitay askarigaasi.

Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo meydka ka qaaday goobta, kadibna baaritaano kooban ka sameeyey halkaasi.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay saraakiisha hay’adaha  amniga oo ku aadan Dilkaasi.

Muddooyinkii dambe ammaanka Muqdisho ayaa ahaa mid dagan, iyadoona ay howlgallo ka wadeen ciidamada Booliska Soomaliyeed.

 

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this