Sign in to follow this  
Chimera

Somali Air Force

Recommended Posts

quote:

--------------------------------------------------------------------------------

There was a story about a sister on the BBC who was a veteran of the now defunct institution but i have no idea how i could get in contact with her

--------------------------------------------------------------------------------

 

The sister you are looking is Asli Calansida. I think she now lives in Mareykanka, probably in San Diego of California state.

Asli Lives in Dallas. I can get you her contact info if you want--PM me if you need that.

Share this post


Link to post
Share on other sites

62.jpg

 

Asli Calansida sometime in late '70s.

 

61.jpg

 

1979 - Shirkaddii SIAI Marchetti, waa Duuliyeyaashi dugsiga tababarka oo tababbar u jooga dalka Talyaaniga si ay ugu takhasusaan Diyaaradaha SF-260W.

 

Safka taagan, midig; Shaahir Cabdi Afrah, Faarax Xaaji Salaad, Cabdi Yoonis Cawaale, Asli Xasan Cabaade [Calansida], Xasan Maxamed Xaaji (Xasan Yare) iyo Max’ud Max’ed "Baliille."

 

Safka labaad, midig; Khaliif Ciise iyo Jii-kameruun.

 

Safka saddexaad, midig; Axmed Max’ed Yaroow iyo Axmed Cabdi "Shiine".

 

57.jpg

 

09/09/76 - Waa maalin xasuus gaara u ah taariikhda gabdhaha Soomaaliyeed waa maalintii ugu horreysay ee curaddii iyo geesiyaddii gabdhaha Soomaaliyeed ay kaligeed (solo) ku duusho diyaarad Cessna 150 ah. Waxaa si diiran ugu hambalyeynaya Taliyihii Ciidanka Cirka, Duuliye Max'ud Max'ed Guuleed iyo mid ka mid ah macallimiinteedi Duuliye Shaahir Cabdi Afrax.

 

26.jpg

 

15/09/60, Hargeysa - Waa maalintii sida rasmiga ah loo bilaabay dulimaadki toddobaadki laba jeer isku xiri jiray labada caasimadood Muqdisho iyo Hargeysa. Duulimaadkaas oo reer Hargeysa uga caanka baxay: Calimataan Airways iyo Qandala Airways.

 

Dhanka midig: Max’ed Max’ud Cali “Weli”, Qaasim Ibraahim “Fiilyo”,Cali Mataan Xaashi, Shariif Cabdulqaadir Xasan ”Deekow”, Max’ud Max’ed “Lugayare”iyo Cali Jaamac Cali.

 

40.jpg

 

1964 - Waa duuliyeyaashi dufcadii koowaad ee xurriyadda ka dib Dowladda Talyaanigu usoo tababarto Soomaalida oo ku soo takhasustay diyaaradaha kala ah: P148, AT6, C-45 iyo DC-3. Ayaandarro, duuliyeyaashaas labo ka mid ah dhowr bilood ka dib ayeey ku dhinten shil diyaaradeed oo ka dhacay meel 500 oo mitir u jirtay Xerada Hiilwelyne ee ku dhaw magaalada Balcad, ex. “Taytayleey”.

 

Duuliyeyaashaas oo dhammantood loo beddelay Shirkadii Soomaali Airlines ka dib kolki diyaaradihi DC-3da ee ay ku duuli jireen hawlgab laga dhigay iyadoo weliba qarkood ay wax ka aasaaseen Dugsigii Qaranka ee tababarka Duuliyeyaasha: Shariif Cabdulqaadir “Deekow”, Max’ed Cabdi “Xorxorre”, Axmed Shuuriye Yuusuf, Max/ed Xaaji Cilmi “Xaaji Dhagax” iyo Jaylaani Suufi.

 

64.jpg

 

Midig: Cabdullaahi, Barre, Asli Calansida, injineer Talyaani ah iyo M.M. Baliille oo garoonka Kismaayo taagan.

 

65.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Gabadha kaliya ee ugu horreeysay ee noqota Duuliye

 

73.jpg

 

58.jpg

 

Boggani waxuu khaas u yahay gabadhi ugu horreeysay ee Duuliye ka noqota Ciidanka Cirka Soomaaliyeed. Waxay tababbarkii koowaad ku qaadatay Dalka gudihiisa, Dugsigii Qaranka ee Tababbarka Duuliyeyaasha ee Xamar, waxay kaloo tababbarro Diyaarado kala duwan u aadday Dalalka Talyaaniga iyo Ameerika. Dugsigaas waxaa la'aas-aasay 1973, waxaana macallimiintii ugu horreeysay ka noqday: Duuliye Jeylaani Suufi, Duuliye Max’ed Xaaji Dhagax, Duuliye Max’ed Jaamac "M.J", Duuliye Max’ed Max’ud "Weli", Duuliye Max’ed Max’ud "Baliille" iyo Duuliye Shaahir Cabdi Afrax .

 

Dugsigaas waxaa ka baxay sannadihii u dhexeeyay 1973-76 dii dhowr Duuliyeyaal oo Soomaali ah oo qaarkood ka tirsanaayeen Ciidanka Booliska Soomaliyeed iyo (11) "kow iyo toban" Duuliye oo loo tababbaray Dalka Burundi. 1980, Dugsigaas magaciisi waxaa loo beddelay: Kulliyadda Jan. Daa’uud ee C. Cirka, waxaana Kismaanyo loo raray 17/07/80kii.

 

09/09/76, waa maalin xusuus gaara u ah Ciidanka Cirka iyo taariikhda Gabdhaha Soomaaliyeed, waa maalintii ugu horreeysay ee geesiyaddii gabdhaha Soomaaliyeed ay kaligeed (solo) ku duusho diyaarad Cessna 150 ah, iyadoo baal cusub u furtay in gabadha Soomaalieed aysan wiilka ka gaabin, dharaar cadna waxay jebisay heerki raggu xayndaabka ka dhigtay. Duullimaadkaas kaddib Ciidanku wuxuu ugu waqlalay "Dhiirran", hase yeeshee, magaceennii waxaa ka xoog batshay kii "Calansida" oo dadweynaha Soomaaliyeed uga baxsheen shirkii dib u heshiisiinta ee 2000 lagu qabtay magaalada "Carte" ee Jamhuuriyadda (Djibouti).

 

Waa maalintay "Asli Dhiiran” ay kaligeed ku duushay (solo) Diyaarad Cessna ah oo markay bed iyo samatabax ku soo degtay Diyaaradda, uu Taliyihii C.Cirka Duuliye Maxamud Maxamed Guuleed si diirran ugu hambalyeeynayo iyo mid ka mid ah macallimiinteedii Duuliye Shaahir Cabdi Afrax.

------------

 

Duuliyaashii, injineeradii hore do have an official website now, oo aad ka heli kartid taariiqdooda iyo sawiro taariiqi ah.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maxaa sababay dagaalkii 1964ti dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya?

 

1 - Shirkii midowga Afrika lagu unkay 25/05/63 oo go’aamiyay in xuduudaha Afrika loo daayo sidii gumaaysigu u qaybiyeen oo madaxweyne Aadan Cabdulle oo ka mid ahaa aas-aaseyaashi ururkaas uu diiday inuu go’aankaas wax ka saxiixo, taasina waxay sii cordhisay cadaawadi soo jireenka ahaayd ee u dhexeysay Soomaaliya iyo Itiyoobya.

 

2 - Soomaalida oo 1963di la yeelatay xiriir mileteri dalalkii Midowgi Soofiyeetiga oo loo ballan qaaday in hub deg deg ah iyo tababr loo siiyo Ciidamada Qalabka Sida.

 

3 - Khubaradi ciidanka ee hoggaaminaysay ciidamo badan oo ka kala socday noocyadi ciidamadi X.D.S. oo waqtigaas tababar u jiray dalalkii Midowgi Soofiyeetiga si ay hubkaas muddo gaaban ugu soo bartaan.

 

Haddaba, Itoobiya, iyadoo ka shidaal qaadanaysa seddexdaas sababood oo ay u aragtay inay haysato fursad qaali ah oo aan waligeed soo mareeyn, ayeey bilihii Jennaayo-Abriile1964tii dhexdooda ku soo qaaday Soomaaliya dagaal saameeyay dhammaan xudduud beenaadki noo dexeeyay.

 

Dagaalkaas oo hadafkiisu ahaa inay Itoobiya, intaan curdanka iyo cududda yarnahay na ciribgoysoo, taasna Alle uma suurto gelin oo waxaa si geesinnimo iyo karti leh jilibka u aastay Soomaaliyoo dhan, miyi iyo magaalo oo niyadoodi iyo cududdoodi midaysanayd, waxaase yaab iyo mucjiso qarni oo aan la qorsheeysan ku noqotay, intaan la gaarinba ciidamadeenni yaraa ee rijliga ahaay, inay niyadjab, ba’ iyo bayuur ku rideen geeljireyaasheenni geesiga ahaay ee ku tedsanaay xuddudkeenna dheer, kana baxsheen goob iyo geed kasta, godintay u afaysteenna uga furtay qoryihii ay ku dagaallamayeen ”Faragooye”, kana dhigay mid la dilay, mid la dhaawacay, mid la baacsaday, mid cararay, mid ambaday, mid abeed yiri iyo mid aqo ugu baqtiyay godkuu ku dhuumanayey, halkaasana waxaa ku fashilmay arrintay Itoobiya waayaha fog ku taami jirtay ee ahayd inay Soomaaliya maalin afka ciidda ugeliso, heshiiskeenuna wuxuu ku imaan karaa oo keliya inay dhulkeenna maalin cad isaga baxdo iyo inay cadaawadeenna iyo colaadeennu socoto inta laga gaarayo waagay shimbiruhu dabaashaan mallayguna duulo.

 

Bacdamaa, dagaalkaasi ahayn mid Soomaalidu wax ku hujuumaysay oo ay difaac ku jirtay, C.Cika waxaa waajib lagu siiyay, xagga taakulaynta iyo isku xirka ciidamada, qaadista saadka iyo saanadda, daadgurayta ciidamada iyo keenidda dhaawaca, sahanka iyo kor ka ilaalinta ciidamada faltamaaya iyo guud ahaan ka difaacidda diyaaradaha cadawga, diyaaradaheenni hawlgalkaas lagama maarmaanka ah ka fulinaayey goballada dagaalladu saameeyay.

 

Waxaana xusid mudan in dagaalkaas uu C.Cirka uga dhintay duuliye Daahir Kullane Abtidoon isagoo waajibkiisa qaran gudanaya. Maalintay taarikhdu ahayd 15/2/64ti oo uu socday dagaalkaasi, duuliye Daahir kullane iyo duuliye Xuseen Rooble Cabdi “Fareey” oo kala watay labo diyaaradood oo AT6 ah waajibkooduna ahaa inay ka difaacaan diyaaaradaha cadawga diyaarad Dakota ah oo Gaalkacyo kasoo qaadaysay dad rayid ah oo dhaawacyo kala duwan kasoo gaareen duqaynti diyaaradihii Itoobiyaanka ee maalin ka hor garaacay magaalada Gaalkacyo. Aroorti maalintaas, goortay saacaddu ahaayd 05:10, saddexda diyaaradood waxay ka duuleen gegida diyaaradaha ee Muqdisho, hase teeshee, tii uu watey duuliye Daahir Kullane intaysan joog sare qaadan ayaa matoorki ka damay, taasina waxay sababtay in diyaaraddii kula dhacdo degmada Hodan ee magaalada Muqdisho isagoon cid kale wax u geeysan.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hmmmmmmmmmm ,, Great memories

 

Only those heros who are still alive can tell how much the Nation suffered ......

 

Soomaalinimadii maxaa lagu ciyaaray ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Chimera   

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Gabadha kaliya ee ugu horreeysay ee noqota Duuliye

 

73.jpg

 

wa naxay when i saw this pic :D:D:D:D:D:D:D thanks alot bro

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Qiiro badanaa!!!!

 

As a young boy, I used to watch these Somali jets flying over us during the October 21st holiday. Kacaankii

 

We were destroyed by the lack of leaders with vision and patriotism together with external forces.

Share this post


Link to post
Share on other sites

anigu xaafadda shacabka ee Hargeisa ayaan taagnaan jiray ,, and i remember those jets flying over us markaanu oktoobarta marayno ee aanu salaanta bixinayno anagoo arday school ah ,,,

 

One day diyaarad baa soo dhacday ,, i was in the market markaasay diyaaradii is rogrog tay ,, then is rogrogtay and dadkoo dhan baa qaylinaay ALLA BAYLOODKU XARIIFSANAA , SIDUU U ROGROGAYO EEGA ,,, then in seconds qarax baa ka dhacay oo way soo dhacdayba ,,,,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this