Sign in to follow this  
Siciid1986

Dulleedka Deegaanka Buurta Sheekh oo Lagu Arkay Daanyeer-Gorile iyo Dareenada Ka...

Recommended Posts

Dulleedka Deegaanka Buurta Sheekh oo Lagu Arkay Daanyeer-Gorile iyo Dareenada Ka Dhashay

 

Sheekh (Somalilandpress)- Meel ku dhawaad 20KM u jirta Buurta Dawga Magaalada Sheekh ayaa markii u horaysay lagu arkay Daanyeerka loo yaqaano Gorilaha.

“Indhahayga ayaan ka soo qaaday, waxaanan ku daba jiray muddo badan sidii aan u arki lahaa, iyada oo kolba meel naloogu sheegayay annaga oo dhawr nin ah. muuqaal ahaan waxa uu egyahay daanyeerka oo xataa qof bini’aadam ah ayuu u sii muuqaal dhaw yahay, waxa uu xaga awooda le’eg yahay Dameer, waxa aan arkay isaga oo kala go’ynayay Daanyeerka wayn ee Coofaadhka loo yaqaano ka dib beerkiisaa cunayay, waan ka argagaxnay aniga iyo niman aanu wada soconay, balse iimay suurto-gelin aan sawiro. Sidoo kale waxa laga cabsi qabaa in Xoolaha la dhaqdo iyana cuno oo cabsidaas ayaa jirta. Waxaana uu hada jooga oo ku sugan yahay meel 20 KM oo keliya u jirta Dawga Sheekh, telefoonka ayanau kula soconaa hadba halka uu marayo, dadka deegaankaasina argagax iyo cabsi ayay ka muujiyeen.” Sidaa waxa yidhi Maxamed Aadan oo ah khabiir ku xeel dheer baadhitaanka aazaarta Qadiimiga ah, kana tirsan Wasaarada Dalxiiska iyo Dhaqanka Somaliland oo si gaar ah ugu kuur-galay Daanyeerkan Gorilaha loo yaqaano oo muddooyinkii u dambayay hadal-hayntiisa in lagu arkay deegaanka Sheekh badatay.

 

Dad ku sugan Deegaanka Geed Loo Kor iyo aaga lagu sheegay in uu ku sugan yahay Daanyeer Gorilahan oo aanu khadka telefoonka kula xidhiidhnay ayaa iyana noo xaqiijiyay inuu maanta joogay Buurta Sheekh, waxaanay intaa ku dareen inuu argagax iyo baqdin geliyay haweenka iyo caruurta deegaanka, gaar ahaan Miyiga oo ka cabsi qaba xataa inay tuulooyinka ay ka adeegtaan u socdaalaan.

 

Mr. Maxamed Aadan oo Somalilandpress waydiiyay khataraha lagaga cabsi qabo xayeenka awood ahaan xoogan ayaa waxa uu sheegay inuu biyaha la isticmaalo goobaha xorfadaha iyo baliyada deegaankaas, taasoo laga walaac qabo iyada oo aan la hubin inuu caafimaad qabo iyo in kale maadaama uu aragti ahaan ku cusub yahay dadkeena.

Dadweynaha ku dhaqan caasimada Hargeysa ayaa ilaa maanta si wayn u hadal-hayay arrintan Daayeen-Gorilaha lagu arkay Deegaanka Sheekh, iyaga oo khadka telefoonka ku waydiinayay dadka deegaanka lagu sheegay inuu hada ku sugan yahay inuu wax dhib ah gaystay iyo hadba halka uu ku sugan yahay.

 

Sidoo kale, ra’yul-caamka bulshada ayaa si wayn isku waydiinayay oo dooddo kala duwan ka dhiibanayay, iyada oo dadka qaar ku doodeen in xayeenkaan aan noociisa hore loogu arag Somaliland imaatinkiisu ay salka ku hayso, isla-markaana sabab u tahay xasiloonida, xabad-la’aanta iyo nabadgelyada Somaliland oo uu u soo guuray.

 

Halka dadka qaarna ay kaga doodayaan oo ay aaminsan yihiin in lagu soo waariday Somaliland, gaar ahaan deeganka hadda lagu arkay ee aagga Sheekh oo Diyaarad ama Markab lagu keenay, iyaga oo sidoo kale ka muujiyay cabsi ah inuu cudur (Virus) sido oo ku talaalan yahay, isla-markaana ay haboon tahay in dawladu ka hawl-gasho sidii gacanta loogu dhigi lahaa loona mudi lahaa oo caafimaadkiisa loo baadhi lahaa, maadaama uu bulshadii bah-wadaag la yahay oo biyihii baliyada iyo xorfadaha ay ka cabaan la isticmaalayo.

Isku soo wada duuboo, Daanyeerkan lagu magacaabo Gorilaha ayaan muuqaal ahaan inta la xusuusto lagu arag Somaliland in muuqaal ahaan aalado kale ay dadka Somaliland uga daawadaan mooyaane.

Waa markii u horaysay ee xayewaanka joogitaankiisa Somaliland la xaqiijiyo.

 

6295633.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this