Sign in to follow this  
Major-General Cawad

The most famous teacher in Somalia!!

Recommended Posts

Meet Maxamed Yaxye Xuseen the most famous Soomaali teacher in the field of Foreign Languages (Afafka Qalaad)

 

This guy is fluent in Arabic, German, Italian and English which he learned during the Second World War.

 

He is truely amazing and an insparation for all of us. On the other hand he also benefited and benefits his people enourmously especially the people in Baidoa and its near vacinity.

 

Here is the story

 

Maxamed Yaxye Xuseen: Macallinkii ugu caansanaa barayaasha afafka qalaad (ajnabiga) ka dhiga magaalada Baydhabo oo jiilal badan wax soo baray oo ka warramaya xaaladda waxbarashada Baydhabo siday tahay.

Sabti, July 30, 2005

 

BAYDHABO (Baidoa.com)-Maxamed Yaxye Xuseen waa bare (macallin) dood la'aan lagu sifayn karo in uu yahay macallinkii ugu caansanaa macallimiintii takhasuskooda aqooneed uu ahaa baridda afafka qalaad (ajnabiga) siiba afka Ingiriiska ee wax ka dhigi jiray dugsiyadii gaarka ahaa (Private English language Schools) ee ka jiray magaalada Baydhabo iyo guud ahaan gobolka Baay.

Maxamed Yaxye Xuseen oo ah nin uu Ilaahay ku mannaystsay cilmiga luqawaatka (linguistics) ayaa waxaa uu si faseexnimo ah ugu hadlaa uuna jiilal badan soo baray afafka qalaad ee ay ka mid yihiin afafka Ingiriiska, Talyaaniga, Jarmalka iyo Carabiga. Aqoonta xagga afafka ee macallin Maxamed Yaxye Xuseen ayaa waxaa ka manaafacaday arday aad u tiro badan oo ku kala firdhisan caalamka wuxuuna xirfadiisa macallinimo uu ku hawlgalayay muddo dheer oo ku dhow afartan sanadood (40) asagoo aqoontiisa afafka ajnabig soo kasbaday xilli uu dal mareen ahaa oo uu muddo badan meeraysanayay dalal badan oo ka mid ah qaaradda Yurub iyo caalamka Carabta asagoo weliba xilligii Dagaalkii Labaad ee Aduunka (WW II 1941 - 1945) ku socdaalay dalal ka tirsan qaaradda Yurub sida Jaramlka iyo Talyaaniga.

 

Macallin Maxamed Yaxye Xuseen oo haatan ah gudoomiyaha waxbarashada gobolka Baay ayaa waxaan waraysi ugu tagay gurigiisa wuxuuna si kooban uu iiga warbixiyay xaaladda waxbarshada ee magaalada Baydhabo gaar ahaan iyo guud ahaan gobolada Baay & Bakool siday tahay.

 

 

 

 

Macallin Maxamed Yaxye Xuseen: macallinkii ugu caansanaa barayaasha afafka qalaad (ajnabiga) ka dhiga magaalada Baydhabo-BAYDHABO(Baidoa.com)-July 30, 2005

 

 

Macallin Maxamed Yaxye Xuseen oo weli weheshanaya qalinka iyo buugga oo ay in muddo ah wehel ahaayeen-BAYDHABO (Baidoa.com)-July 30, 2005

 

 

Macallin Maxamed Yaxye Xuseen waxaa uu ii sheegey in waxbarashada gobolada Baay & Bakool ay marayso marxalad aad u liidata oo ka hoosaysa gobollada kale ee Soomaaliya marka lala barbardhigo asagoo ku tusaaleeyay in heerka waxbarashada gobolada Baay & Bakool ay ka liidato heerkii waxbrashada ee ka jiray tuulo ka tirsan gobol ka mid ah gobollada Soomaaliya wixii ka horreeyay burburkii dawladnimada ee ku habsadaya Soomaaliya.

Macallin Maxamed Yaxye Xuseen oo hadalkiisa sii wata ayaa waxaa u intaas raaciyay in waagii ay dawladu ka dhisnayd Soomaaliya ka hor dagaallada sookeeye ay ka jireen gobolada Baay & Bakool 21 dugsi oo isugu jiray dugsiyada marxaladaha tacliinta ee Hoose/ Hoose Dhexe iyo Sare ayadoo maantana ay ka jiraan gobollada Baay & Bakool afar dugsi oo sadex (3) ay ku yaalaan gobolka Baay iyo mid keliya (1) oo ku yaalla Xudur, magaalo madaxda gobolka Bakool.

 

Mar uu Macallin Maxamed Yaxye Xuseen iiga warramayay jiilalkii kala duwanaa ee uu macallinka u ahaa oo si gaar ahna uga faa'iidaystay aqoontiisa afafka ajnabiga ayaa waxaa uu yiri:

 

"Anigu waxaan si shaksi ah wax u soo baray min bilow ilaa dhamaad arday gaaraysa toban iyo todobo kun iyo sagaal (17009) oo ka soo jeeday qabiil (beel) kasta oo Soomaaliyeed oo ku kala firdhisan daafaha dunida, aniga oo yoolka keliya ee an higsanayay uu ahaa in aan soo saaro jiil mustaqbal iyo ayaatiin horumar leh gaara... Qaar ka mid ah ardaydii aan u bilaabay xuruufta hijaa'iga ah ( alphabet) ee afafka ajnabiga waxay ay shahaadooyin caalami ah ee marxaladaha ugu danbeeya waxbarashada sida shahaadada doktooraah (PHD) ka qaateen jaamacadaha caalamka."

 

 

 

Macallin Maxamed Yaxye Xuseen ayaa gunaanadkii wuxuu ku booriyay dhamaan intii ka faa'iidaystay aqoontiisa in aysan illaawin meeshii ay ka soo burqatay ama aasaaska u ahayd aqoontooda oo ay mashaariic waxbrasho ka fuliyaan gobolladan oo jiilalka dayacmay ee ay tacalliin la'áan ku haysato gobolldan wax u qabtaan ayagoo ku dayanaya gobolada kale ee Soomaaliya oo aqoonyahanadii ka sooo jeeday ay mashaaric waxbarasho ka fuliyeen, hadii kalena ay ku sifoobayaan oraahadii Soomaalida ee ahayd "hal bacaad lagu lisay" oo ku tacaddiyay dhulkii iyo dadkii wax soo baray."

 

my2.JPG

 

my1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juxa   

truely inspiring. i am just sad that we dont do enough to help men like him,,,,,,,,,heros.

 

imagine if each of us paid $10, same amount as u eat burgers and donate to him, alot of good could come from it

Share this post


Link to post
Share on other sites

I totally agree with you hundred procent but we lack the sense to support our elders and learned men who are truely inspirational but we treat them as the worst sh1*T.

 

This man can actually benefit the young and ignorant but he hasn't got any support whether it be locally, nationally ore internationally.

 

We Somalis should support our educated people who also benefit the whole community.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this