Sign in to follow this  
Deeq A.

Yaa loogu miciya-lisanaya xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka Puntland?

Recommended Posts

Deeq A.   
Guddiga.jpg?w=1000&ssl=1Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Baarlamanka

Golaha wakiilada dowladda Puntland, ayaa Sabtidii shalay ansixiyay xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka (Statistics Bill) oo ay Baarlamanka u gudbisay wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Puntland.

Guddiga Siyaasadda, Qorshaynta iyo Xiriirka Caalamiga ah ee Golaha wakiilada Puntland, oo mudanayaasha ka hor akhriyay warbixin ku saabsan muhiimadda uu leeyahay xeerkan, ayaa sheegay in xeerkan uu dowladda Puntland ka caawin doono, Siyaasadda hagidda iyo nidaaminta dhammaan diraaysanta xogaha, gaar ahaanna waaxda Tirakoobka (Census Bureau).

Sidoo kale, xeerkan ayaa dowladda u fududayn doona, daba-galka iyo la’xisaabtanka hay’adaha kala duwan ee diraasadaha iyo tirakoobyada u gaarka ah ka sameeya gudaha Puntland, kuwaasi oo mararka qaarkood soo bandhiga xogo qaldan oo farriimo taban ka gudbinaya degaannada Puntland, sida ay guddigu sheegeen.

Waxaa kale oo warbixinta guddiga lagu xusay, in xeerkan uu as’aas u noqon doono, helidda xog dhammaystiran, wakhtiyaysan oo tayo ahaan la hubiyay, si loo helo qiimayn tix-raac sugan leh oo miisaanka saarta barnaamijyada ay ku shaqeeyan hay’adaha dowladda.

Halkan ka daawo Barnaamijka oo dhammaystiran

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise

The post Yaa loogu miciya-lisanaya xeerka nidaaminta xogaha Tirakoobka Puntland? appeared first on Puntland Post.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this