Sign in to follow this  
Miskiin-Macruuf-Aqiyaar

Isbaaro by Daanyeero for Daanyeero

Recommended Posts

W axay ahayd markii iigu horeysay ee aan tago magaalada Marka oo ah magaalo madaxda gobolka Shabeelaha Hoose, waxaan Muqdisho ka tagnay 10-kii bisha Sebteembar 2005, waxaannu ahayn laba baabuur oo ah nooca ka dhaqaaqa afarta lugood ee loo yaqaan (Four wheel drive), ee rayidku isticmaalaan, waxaan jidka ku sii jirnay waqti dhan 2:00 saacadood, sababo la xiriira wadada oo ahayd mid burbursan, intii aan jidka ku sii jirnay waxaan aragnay Saddex jidgooyo oo la iigu sheegay in laba ka mid ah ay leeyihiin Malayshiyada ka amar qaadata Indha Cadde midda kalena ay leeyihiin raxan Daanyeero ah, oo iyagu halkaas jidgooyada u dhigtay baabuurta wadda khudaarta ee soo aadda dhinaca Muqdisho; Daanyeeradan haddii aan wax loo tuurin waxaa la ii sheegay inay dagaalamayaan isla markaana ay daadinayaan dhammaan khudaartii ama mirihii saarnaa gaariga, dhowr jeer ayaana faraha la isula tegay ilaa laga soo gaaro waqtigan oo gaadiidka khudaarta wadaa iyo Daanyeeradu ay ku heshiiyeen in wax la wada qeybsado, waa Isbaarada iigu yaabka badneyd ee aan arko, haddana waa midda ugu nabadda badan uguna nidaamsan, maxaa yeelay ma hubeysna, Daanyeeradu waxay u taagan yihiin wadada hareereheeda si saf ah ilaa 150 Mitir ayayna dherersan yihiin, tan kale waxay leeyihiin waqti go’an, gelinka dambe oo keliya ayay ka howl galaan jidgooyada. Asxaabtii ila socotay ayaan si kaftan ah u weydiiyey "Miyaysan jirin jidgooyo kale oo u taal noocyada kale ee xayawaanaadka?" waxay ii sheegeen inay tan keliya tahay, markaas ayaan ku iri haddana "Waxaa laga yaabaa in jidgooyadani tahay mid ay iska leeyihiin midawga duurjoogta oo dhan, Daanyeeraduna ay wakiil u yihiin inta kale" waa la wada qoslay laakiin waxaan ula jeeday in jidgooyooyinka tirada badan ee beelaha kala gedisani ay dhigteen ay ku fiicnaan lahayd inay ahaato hal xabbo sida Daanyeerada oo kale, haddaanba la hurayn.

 

La soco

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sky   

haddana waa midda ugu nabadda badan uguna nidaamsan

:D:D:D

 

We underestimate those baboons, I'm serious. Those apes are smart. They know how to assume strategic positions. Hell, some people can't do that. But than again, the apes' IQ is on average somewhere around 50, that's only 38 less than George Bush and this dude is the most powerful man on earth right now.

 

I mean I watch those nature channel sometimes in the morning and you'll always see baboons sitting on top of a tree, termite hill or hill just surveilling the place. When he sees something, he warns not only his family but also his friends; the giraffes, zebras etc.

 

My mother told me a horror she had experienced when she was little in a little tuulo called Rabaable that lies exactly on the point where the 7-shape of Somalia splits at the border with the Ethiopians. She, her sisters and cousins wandered to the hills facing the then-new Chinese road, while the hooyos and eedos were looking after the sheep and goats somewhere nearby. Suddenly a gang of baboons surfaced that came from behind the hills, targetting the little children. Of course they ran and crying for help. The hooyos and eedos heard noise and thought that it was just playful screaming, but one of them checked it out anyway. She saw the baboons, immedeately threw rocks at their heads and they left. The baboons didn't get the chance to grab one of the kids Alxamdulilah. Ever since than they were all amazed by how well organised the baboons plan their attacks. They only target small children and old people with their huge teeth.

 

Laakiin, lemme get this straight. These daanyeers in Marka have their own roadblock competing with a local warlord. Lol :D He should have made a picture of it.

"Waxaa laga yaabaa in jidgooyadani tahay mid ay iska leeyihiin midawga duurjoogta oo dhan, Daanyeeraduna ay wakiil u yihiin inta kale"

:D:D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Daanyeerada, koroow meey ahaayeen mise kuwa caadiga ah? Haduu koroow ahaa, waaka suurtooydaa isbaaro inay dhigtaan, laakiin daanyeerada kale macquul maaha.

 

Waxaan la yaabanahay sababta arintan looga sheegi waayay BBC-da Soomaalida, maadaama ay hada ka horba ka sheegeen dameer koonfurta ethiopia ku cunay laba neef oo ari ah.

 

Sheekooyinkaan xiiso gaar ah ay leeyihiin, runtii! :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Baashi   

Daanyeeradan haddii aan wax loo tuurin waxaa la ii sheegay inay dagaalamayaan isla markaana ay daadinayaan dhammaan khudaartii ama mirihii saarnaa gaariga, dhowr jeer ayaana faraha la isula tegay ilaa laga soo gaaro waqtigan oo gaadiidka khudaarta wadaa iyo Daanyeeradu ay ku heshiiyeen in wax la wada qeybsado, waa Isbaarada iigu yaabka badneyd ee aan arko, haddana waa midda ugu nabadda badan uguna nidaamsan

:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Aduunka wax walba la arkooy, Isbaaro daanyeer walibana ugu nabad badan uguna nidaamsan, No wonder they are better than other human checkpoint, which sometime results bloody conflict.

Share this post


Link to post
Share on other sites

M a dhabaa in Dhurwaaga lagu Daweeyo Dadka Jinniga qaba?

 

Intaa nooshahay maalin walba wax aad arkeysaa wax kaa yaabiya, iyadoo taasi jirto ayaa dhawaan Xaafadda aan deganahay ee Al-Baraka Guri u dhow waxaan arkay dad buuqaya oo la leeyahay Caawa Xaafadda waxaa jooga Dhurwaa, inta yaabay ayaan waxaan dadkii ku iri, "Oo Dhurwaagu muxuu qabanayaa?" Markaas wiil i ag taagnaa ayaa waxa uu igu yiri, "Nin Jinni qaba oo xaafadda degan ayaa Dhurwaaga lagu daaweenayaa�"

 

Markaasaa qalbiga waxaa igaga soo dhacay waxyaabo aan maqli jiray oo ahaa in Jinniga lagu daaweeyo Dhurwaaga ama uu ka cabsoodo, waxaan go'aansaday in aan tago halka lagu hayo Dhurwaagaasi aan subixii u dhaqaaqo, waxaan kaxeystay Taxsi, waxaa ila jiray dhowr qof oo ahaa dadkii isoo tusayay, waxaana marba jid goyno waxaan markii dambe gaarnay xaafadda Gubta, ama deegaanka Ciisa-Cabdi...

 

Yar lagu magacaabo C/qani Urur Nageeye Fool-Fool ayaa Dhurwaagii ka soo saaray shabaqii uu ku jiray, waxaan arkay Dhurwaagii oo indha-caddeeynaya oo fiigsan, inta naxay ayaa waxaan ku iri yarkii Kaamirada qaadayey oo lagu magacaabo Faarax Blue �is deji oo si tartiib ah bahalka u sawir, waayo isagu waa iga naxdin badnaa, dhurwaana weligi ma arag�. Markiiba inta la i dhiirigeliyay ayaan si aad ah ugu soo dhawaaday, hase yeeshee Dhurwaagu ma ahayn mid degan, oo hadba dhinac ayuu u cararayay anna waxaa is iri armuu kugu soo boodaa oo qaniinyo kugu dhagaa...

 

Su'aal: Goorma ayaad Dhurwaagaan soo qabateen?

 

Jawaab: Aniga iyo labo wiil oo dhaliyaro ah oo wadana Gaari ayaa mar aan mareynay Siliga Ameerikaanka [safaarada Mareykanka] ee Magaalada Muqdisho waxaan aragnay bahal Mukulaal u eg oo dariiqa goynaya, markiiba inta Gaarigii joojinay ayaan bahalkii xaggiisa u dhaqaaqnay, meel ood ah ayuu naga galay, waxaan ka soo qabanay halkii, wuxuu markaa jiray ama lagu qiyaasi karay labo bilood.

 

S: Hadda imisa sanno ayuu jiraa?.

 

J: Wuxuu jiraa labo sano iyo dhowr bilood.

 

S: Cuntada uu cuno waa noocee?.

 

J: Intii uu soo gaarayay lix bilood wuxuu cuni jiray cuntada dadka caadiga ah ay cunaan sida Caanaha, Cambuulada, Cajeerada IWM, balse dhowr sano kaddib waxaan u qoondeenay ama aan u qorsheenay in maalin dhaaf aan lix Kiiloo Hilib ah siino.

 

S: Sow ma aha kharash aad u fara badan?.

 

J: Isaga ayaa soo saarta kharashkiisa.

 

S: Oo sidee ku soo saartaa?.

 

J: Dadka ayaan ku Daaweynaa.

 

S: Oo sidee ayaad ugu daaweysaan?

 

J: Cudurada dhan ma wada daaweyno, ee waxaa ku daaweynaa dadka Jinka qaba.

 

S: Oo sidee ayaad ugu daaweysaan?.

 

J: Waxaan ugu daaweynaa, marka hore Qofka Jinka qaba ayaa Dhurwaaga loogu galinayaa guriga isagoo xirxiran, markiiba qofkii Jinka qabay ayaa mar dambe soo naaxaya, markaas ayuu wuxuu leeyahay sidee wax u jiraan waa mar uu Caafimaadka helo

 

S: Sidee lagu ogaadaa qofka Jinka qaba?.

 

J: Qofka Jinka qaba haddii uu Toban qof ku dhex jiro Dhurwaagu isaga ayuu abaaraa, sidaas ayaa lagu ogaadaa qofka Jinka qaba.

 

S: Qofka lagu doonayo in Jinka laga daaweeyo imisa ayaad ka qaadaan oo Kharash ah?.

 

J: Waxaanu ka qaadnaa Hal Malyan oo shillin Soomaali ah oo u dhiganta 70 Doollar

 

S: Imisa qof ayaa ku daaweyseen ila iyo haatan oo Jin qabay?.

 

J: Labadii sano ee Bahalkaan aanu heynay waxaan ku daaweenay ilaa iyo Boqol ruux oo nooga kala yimid Muqdisho iyo Goboladda ku hareereysan.

 

S: Maxay tahay waxyaabihii kuugu yaabka badnaa intii aad dadka Jinniga ka daaweyneyseen?.

 

J: Waxaa iigu yaab badnaa, markii inta qof Jin qaba Dhurwaagii loo soo xirxiray la damcay in Dhurwaaga lagu sii daayo, ayaan waxaan arkay Dhurwaagii oo isaga ceego lagu hayo, oo halis naftiisu gashay, waxaana taas ugu wacan Jinka qofka ku jira oo ah mid aad u xoog badan, waxaana markaasi la isugu daraa Qur'aan iyo Waraabihii.

 

S: Maxaa kale oo faa�iido ah ayaad ka heshaan marka laga tago ku daaweynta Jinka ee aragtidiisa?.

 

J: Dadka aan awoodin in ay iska bixaan Kharashka aragtida Dhurwaaga waxay qaataan Dhogortiisa ama Saaladiisa, iyada ayaa inta Dab-Qaad ama Iddan loogu shubo lagu qiiqiyaan sidaasna uu uga baxaa Jinku.

 

S: Maxaa kale oo faa�iido ayaa soo raacda?.

 

J: Dadka u soo Daawasho taga Dhurwaaga waxaanu ka qaadnaa lacag. waxaana maalin walba Dhurwaaga soo booqda dad aad u fara badan.

 

Sheeko miyaa

 

dhurwaa8.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
BN   

Yaab...! :D

 

Daanyeero ku soo duulay lana wareegay gacan ku heynta dhowr tuulo oo ka tirsna degmada Kunrtuwaareey

 

 

Kuntuwaareey 10 Dec. 05 ( Sh.M.Network) Daanyeero raxan raxan u socday ayaa lagu soo waramayaa in ay ku duuleen lana wareegeen 3 tuulo oo ka tirsan degmada Kuntuwaareey ee gobolka Sh/hoose, daanyeeradaasi waxa ay geysteen waxyeelo kala duwan.

 

Daanyeeradaasi oo tiradoodu kor u dhaafayaan boqolaal ayaa maanta waxa ay weerar ku soo qaadeen degaanka lagu magacaabo Buulaaleey, Toorayo iyo kuwo kale ku teedsan dhul xeebeedka u dhaxeeya degaanka Baraawe iyo Buulo Mareer.

 

Qaar ka mid ah Xoolo dhaqatada degaankaasi oo la soo xiriirey Shabelle ayaawaxa ay sheegeen in daanyeeradaasi ay cuneen ari gaaraya ilaa 22 neef, islamarkaana ay baabi'iyeen ilaa 65 guri oo aqal Soomaali ah.

 

Mid ka mid ah xoolo dhaqatadaasi oo lagu magacaabo Abuukar Shuqaale ayaa sheegay in ay u taagwaayeen sidii ay uga hortagi lahaayeen, isagoo sheegay in ay isaga soo hayaameen degaanadaasi.

 

Si kastaba ha ahaatee dadka degaanka ayaa waxa ay ku tilmaameen weerarka ay ku soo qaadeen daanyeerada in ay ka dambeeysay ka dib markii ay waayeen biyo ay cabaan, waana markii ugu horeysay oo dhibaato heerkaasi gaarsiisan ay daanyeeradu ka geysteen gobolka Sh/hoose inta la og yahay.

 

Xuseen Nuur Geeseey

 

Shabelle Media Network, Sh/hoose

 

http://shabellenews.com/news/n4976.htm

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this