Sign in to follow this  
Deeq A.

Duqeyn lagu dilay xubno Al-Shabaab ah oo ka dhacday Saakow

Recommended Posts

Deeq A.   

Kismaayo (SMN) – Wakaaladda wararka Anadolu oo sii xiganeysa saraakiil amnig ayaa sheegtay in duqeyn lagu dilay xubno ka tirsanaa Al-Shabaab Mareykanka uu ka fuliyey degmada Saakow gobolka Jubbada Dhexe ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Duqeyntu waxa ay sheegtay in ay fulisay diyaarad nuuca duuliyaha laheyn, islamarkaana lagu dilay labo ka tirsanaa Al-Shabaab.

Anadolu ma shaacin magacyada xubnaha lagu dilay duqeyntaasi iyo goorta la fuliyey intaba.

Sidoo kale ma jiro weli war rasmi ah oo ka soo baxay taliska AFRICOM ee Mareykanka oo ku aadan weerarkaasi.

Inta badan dowladda Mareykanka ayaa duqeymo dhinaca cirka ah ka fulisa deegaanada ay ku xoogan yihiin dagaalyahannada Al-Shabaab.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this