Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Shaaciyay Inay Bilaabi Doonaan Adeegsiga Gantaalaha Casriga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Saraakiil ka tirsan dagaal-yahanada xuutiyiinta Yemen ayaa sheegay inay wadaan dadaalo lagu hormarinayo gantaalaha difaaca iyo hubka kale Ballistic-da oo ay u adeegsadaan Weerarada.

156158237924c04.jpg

Jenaral Yaxya Saree oo ka mid ah saraakiisha xuutiyiinta ayaa tilmaamay isbadaladan la arki doono, sida ugu dhaqsiyaha Badan.

Gantaalaha difaaca ayaa qaban doona madaafiicda-da ay soo tuurayaan isbaheysiga sacuudiga waxaana ay tani noqon doontaa markii ugu horeysay ee Taariikhda Yemen ay hesho gantaalaha Casriga.

Sargaal diiday magaciisa ayaa sheegay in kooxda Xuutiyiinta ay ka shaqeynayaan difaaca sharafta iyo diinta shacabka Yemen.

Arintan ayaa imaaneysa maalin kadib markii dagaal-yahanada xuutiyiinta ay weerar ku qaadeen saldhig Milatari oo ku yaal koonfurta Sacuudiga.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this