Sign in to follow this  
Deeq A.

Xuutiyiinta Yemen Oo Markii 4-Aad Diyaarado Daroon Ah Ku Weeraray Garoon Ku Yaalla Sacuudiga

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Yemen)-Maleeshiyadda Xuutiyiinta ee dalka Yemen waxay saaka diyaarad daroon oo laga buuxiyey waxyaabaha qarxa ku weerareen garoonka caalamiga ee diyaaradaha ee magaalada Abha oo ku yaalla Koonfurta Sacuudiga.

QASEF-HOUTHI-DRONE.jpg

Telefishinka Kooxda Xuutiyiinta ee Al-masirah ayaa shaaciyey in diyaarad daroon lagu weeraray garoonka Abha ee Sacuudiga, waana weerarkii 4-aad ee ay Kooxdaasi la beegsadaan garoonkaasi hal toddobaad gudihiisa.

Dowladda Sacuudiga weli lama xaqiijinin weerarka ay Xuutiyiinta sheegteen inay saaka ku qaadeen garoonka Abha.

Kooxda waxay kaloo Sabtidii la soo dhaafay sheegteen inay diyaarado daroonis ah ku weerareen laba Graoon oo ku kala yaalla magaallooyinka Abha iyo Jizaan ee Koonfurta Sacuudiga.

Sidoo kale, Arbacadii la soo dhaafay, waxay Kooxda Xuutiyiinta gantaal ku garaaceen Garoonka Diyaaradaha ee magaallada Abha ee Sacuudiga, halkaasi oo ay 26 qof ku dhaawacmeen.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this