Sign in to follow this  
Deeq A.

Ilhaan Cumar Iyo Saygeeda Oo La Eedeeyay

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Ilhaan Cumar oo ah gabadha qeyb ka mid ah gobolka Minnesota u matasha aqalka wakiillada Mareykanka ee Koongareeska ayaa lagu eedeeyay inay ku xadgudubtay sharciga cashuuraha ee dalkaas, ayna si khaldan u adeegsatay dhaqaalaha loogu tala galay ol’olaha doorashada.

106561075_7c3b0139-15d8-47e4-8852-995382

Bogga arrimaha ganacsiga ka faallooda ee ‘Businessinsider’ ayaa qoray sheekadan oo uu kasoo xigtay wakaaladda wararka ee AP.

Saraakiisha gobolka Minnesota u qaabilsan maareynta iyo dabagalka dhaqaalaha ol’olaha ayaa sheegay in Ilhaan ay canshuur celin wadajir ah la sameysay ninka ay hadda xaaskiisa tahay kahor inta aysan si sharci ah isu guursanin.

Xilliga ay canshuur celintaas la sameyneysay ninkan ayey sheegeen inay xaas u ahayd nin kale.

Guddiga maaliyadda iyo soo bandhigidda arrimaha dadweynaha ayaa sheegay in Ilhaan iyo seygeeda hadda la nool ay canshuur celintaas sameeyeen sanadihii 2014-ii iyo 2015-kii.

Laakiin waxay si sharci ah isu guursadeen sannadkii 2018-kii.Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in Ilhaan ay si khaldan u maareysay dhaqaalaha loogu tala galay in loo adeegsado howlaha la xidhiidha ol’olaha doorashada.

Kooxda ol’olaha ee Ilhaan Cumar ayaa ka jawaabi waayay su’aalo ay weydiisay wakaaladda Warar AP, hase yeeshee waxa ay goor dambe soo saareen bayaan ay ku sheegeen in dhammaan howlihii la xidhiidhay dhinaca canshuur celinta ay u sameeyeen si sharciga waafaqsan.

Eric Johnson, oo ah qareen sharciyada la xiriira canshuurta ka bartay jaamacadda magaalada St. Paul ee gobolka Minnesota ayaa sheegay in dadka canshuurta bixiya ee sida khaldan u celiya “iyagoo wadajir ah” aysan arrintoodu noqoneynin fal dambiyeed.

Waxa uu intaas ku daray in haddiiba dib laga saxo aysan ka imaaneynin wax cawaaqib xumo ah.

hase yeeshee, arrintan ayaa culeys hor leh sii saareysa Ilhaan, waxaana ka faa’iidystay dadka iyada dhaliila, kuwaasoo hadda soo qoda waxyaabihii ay horay usoo matay.

Dhawaan waxaa Ilhaan Cumar lagu eedeeyay hadal la qoonsaday oo ay ka sheegtay dagaalkii ciidamada Mareykanka iyo maleyshiyaad Soomaali ah ku dhex maray magaalada Muqdisho.

Warbixin dhawaan lasoo saaray ayaa muujisay in Ilhaan Cumar ay wajaheyso eedeyn culus oo ku saabsan inay buunbuunisay tirada dadka Soomaalida ah ee lagu dilay howlgalkii ay Milatariga Mareykanka Soomaaliya ka fuliyeen sanadkii 1993-kii.

Howlgalkaas oo ay qeyb ka ahaayeen diyaaradaha loo yaqaanno Black Hawk ayaa laga sameeyay filim lagu magacaabay “Black Hawk Down”, oo laga malatay sida ay wax u dhacayeen.

Sida ku xusan warbixinta, Ilhaan Cumar oo lagu yaqaanno inay hadal kulushahay ayaa sheegtay in “kumannaan” qof ay ku dhinteen dagaalkii uu Mareykanka ku galay magaalada Muqdisho.

Haase ahaatee, xildhibaanaddan aqalka Koongareeska u matasha gobolka Minnesota ayaa hadalkaas Twitter-keeda ku qortay mar sii horreysay, waxaana warbixintan shaacisay hay’ad baadhitaanno ku sameysa arrimaha la xidhiidha argagixisada.

Isniintii ayaa dib loo soo saaray qoraalkan oo ay Ilhaan kusoo bandhigtay barteeda Twitter-ka sannadkii 2017-kii.

“Xasuustiisa gaarka ah, wuxuu illoobay inuu ku soo hadal qaado kumanaanka Soomaalida ah ee ay maalintaas dileen askarta Mareykanka!”, sidaas ayey Ilhaan Cumar ku qortay Twitter-ka, mar ay ka jawaabeysay hadal uu qof ka mid ah dadka bartaas isticmaala ku xusay in dagaalkii Muqdisho Mareykanka looga dilay 19 askari, 73 kalena looga dhaawacay.

Qiyaasta lagu sameeyo dadkii Soomaalida ahaa ee xilligaas la dilay ayaa lagu kala duwan yahay, dadka qaar waxay ku sheegaan 133 ruux halka kuwo kalena ay gaarsiiyaan ilaa 1,000 qof, balse laguma tilmaamo “kumannaan”, sida ay qortay warbaahinta Fox News.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this