Sign in to follow this  
Deeq A.

Xog: R/W Kheyre oo ku biiray loolan u dhaxeeya beeshiisa iyo beelo ka tirsan Abgaal

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online) –  Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, ayaa awooddiisa iyo kursiga uu ku fadhiyo u adeegsaday inuu faro-gelin ku sameeyo maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Muqdisho, oo ay isku hayaan beeshiisa iyo beesha Abgaal.

Sida ay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay u sheegeen Caasimada Online, Kheyre ayaa saddex goor goor is hor-taagay guddoomiye ku xigeenka degaanka Garasbaaley oo uu magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir, sababtana ay ahayd in qofka la magacaabay uu kasoo jeeday beesha Abgaal.

Arinta magacaabista guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda ee degaanka Garasbaaleey ayaa lugaha la gashay xaalad qabiil oo xooggan iyo nin jeclaysi waana degaan ay isku heestaan beesha Murusade ee Kheyre iyo beesha Abgaal.

Odayaasha iyo maamulka degmada Deyniile ee Muqdisho waxay degaanka Garasbaaleey u yaqanaan waax ka tirsan degmadaasi halka odayaasha Abgaal, gaar ahaan Waceysle iyo Wacbuudhan u olaleeyaan in Garasbaaley noqoto degmo ka tirsan degmooyinka gobalka Banaadir oo madax banaan.

Sanadihii ugu dambeeyey beelaha Abgaal, gaar ahaan Wacbuudhan iyo Waceysle ayaa Garasbaaley  geliyay lacag xad dhaaf ah kana sameeyay dhismiyaal iyo xarun degmo, Saldhig Boolis, Isbitaalo, ceelal iyo adeegyo kale, kana dhigay deegaan ka hormarsan degmooyinka qaar ee Muqdisho.

Guddoomiyaha Garasbaaleey waxa uu ka yimaada Abgaal, gaar ahaan Daa’uud oo ka tirsan Wacbuudhan, halka ku xigeenka 1-aad oo ah amniga iyo siyaasadda laga keeno Abgaal Waceysle oo aad degaanka ugu xoogan, balse sanadkaan waxaa dood geliyay beesha Murusade oo kursigaas ku dhaggan ku dhawaad hal sano waana sababta keentay in booskaas banaanaado muddo ka badan 6 bil.

Arintaan waxaa lagu eedeeyay in ay ku lug leeyihiin Xildhibaano, lat-aliyaal katirsan xafiiska raysal wasaaraha, guddoomiyihii xilka laga qaaday ee maaliyadda gobalka Banaadir iyo saraakiil kale. Geeska kale waxaa gaar ka socda Guddoomiye Yariisow, odayaal iyo siyaasiin kale oo degaanka matalo.

Cali Xasan Cali oo ahaa guddoomiyihii ugu dambeeyay ee amniga iyo siyaasadda degaanka Garasbaaleey ayaa ahaa wiil dhalinyaro aqoon-yahaan ah oo degaanka u dhashay aadna u kala yaqaana. Ka hor inta aan xilka laga qaadin degaankaas qabin weerarada qaraxyada ah ee dhulka la geliyo waxa uuna ku guuleestay in uu Al-Shabaab halkaasi kula dagaalamo maadaama uu degaanka kala yaqaano. Hada waa halis oo aan la mari karin waxaana muuqata in degmada guddoomiyahaas gadaashiis ay halis amni wajahday.

Odayaasha Abgaal ayaa Kheyre ku eedeeyey in kursiga uu qaranka ugu fadhiyo uu ugu eexanayo beeshiisa, ayaga oo wax yaab leh ku tilmaamay inuu doonayo inuu beeshiisa kursi kasiiyo deegaanka Garasbaaley, inkasta oo aysan degin.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this