Che -Guevara

FURY: Somalia COLONIZING Kenya using MUZUNGUS

Recommended Posts

These fine Kenyans stood up to defend and support their country and people.  Rightly or wrongly,  they've every right.  Compare that to Somali officials landing in Nairobi,  after they were refused entry with their Somali diplomatic passports, they opted for their foreign nationalities to gain entry. 

Believe you me, we are fcked. It is only emotionally charged comments from possibly well meaning people,  but deep down,  Somalia is hopeless.  

  • Like 1

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maalin walba Nayroobi ayee ku ordaan. On any given week, there are at least dozens of xildhibaanno, wasiiro ama shaqaalaha kale dowladda u shaqeeyo that are chilling in hoteellada Nayroobi ama guryahee ku leeyihiin. Markuu baarlamaanka fasax ku maqanyahay ugu daranba. Hala kululeeyo oo hala shaq shaqo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hadduu warkaan hoose run yahay, labadaan wasiir iyo lataliyaha kale waa in ciqaab la marsiiyaa. Dalalkaas ee baasaboorada ka wataan mee ismoodaan inay wasiirro u yihiin.

Wasiiradii Soomaaliyeed ee qadiyaddooda ka tegay iskuna beddelay ajaaniibta

Saddex wasiir iyo lataliye sare oo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa xalay isu rogay ajaaniib kadib markii loo diiday inay galaan magalaada Nairobi, ayaga oo lasoo baxay baasabooro dalal kale.

Wasiirka qorsheynta Jamaal Maxamed Xasan, ayaa noqoday Canadian, Wasiirka caafimaadka Fowsiya Abiikar Nuur ayaa isu rogtay Talyaani, halka la-taliyaha amniga madaxweynaha Cabdi Saciid Muuse uu noqday Dutch ama Hollandees.

Saddexdan xubnood ayaa ka mid ahaa mas’uuliyiin lix xubnood ah oo dowladda Kenya ay xalay u diiday in baasabooradooda Soomaaliga ah u saarto Visaha dalkaas, markii ay tageen Nairobi, hase yeeshee isku rogay ajaaniib ayaga oo lasoo baxay baasaboorada dalalka kale.

Saddex xubnoo ee kale oo kala ah Wasiir ku xigeenka wasaaradda tamarta iyo kheyraadka biyaha Cismaan Libaax Ibraahim, iyo Zamzam Daahir iyo Ilyaas Cali Xasan, oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya oo wata baasbaoor Soomaali ayaa xalay ku baryey garoonka diyaardaaha Jomo Kenyatta ee Nairobi.

Jamaal Maxamed Xasan, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Cabdi Saciid Muuse ayaa galay laba qalad oo ay ka muuqato waddaniyad la’aan iyo naf jecleysi.

1 – Waxay ka tageen qadiyaddooda: Haddii Kenya ay Visaha u diiday baasabooradooda Soomaaliga, waxay ahayd inaysan adeegsan baasbaoor dal kale, oo ay sharfaan kan dalka ay matalaan, kuna adkeystaan inay dalkooda ku laabtaan, haddii Kenya ixtiraami weysay kii waddankooda. Xusuusnow, ma ahayn dad safar shaqsiyeed ku socda, balse waxay ku socdeen safar iyo shaqo dowladeed.

2 – Waxay cidleeyeen saaxibadooda: Waxay meel cidlo ah uga tageen saaxiibadooda iyo walaalahooda Soomaaliyeed ee aan haysan baasaboorada ajnabiga ah, umana muujin wax taageero ah. Waxay ahayd in garoonka kula baryaan, oo ay ku adkeystaan inay wada joogayaan ama wada galayaan gudaha Kenya.

Si kastaba, Jamaal Maxamed Xasan, Fowsiya Abiikar Nuur iyo Cabdi Saciid Muuse waxa ay u adkeysan waayeen inay hal habeen baryaan garoonka diyaaradaha  Jomo Kenyatta, taa beddelkeedna waxay hal habeen oo ay seexdaan hotel ka jeclaadeen qadiyadooda iyo saaxiibadooda.

Xubnaha ayaa si kastaba la sheegay inay maanta diideen inay ka qeyb-galaan shirka Nairobi kadib markii si aad ah loo dhaleeceeyey go’aankii ay xalay qaateen ee Soomaalida u arkeen mid aan habooneyn.

Xigasho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.