Sign in to follow this  
Siciid1986

Cusurigii Caanka ahaa Geer Wilders oo ku taliyey in la ganaaxo dumarka xijaabka xidha

Recommended Posts

Cusurigii Caanka ahaa Geer Wilders oo ku taliyey in la ganaaxo dumarka xijaabka xidhan

 

Netherland(Oodweynen ews)-Hogaamiyaha xisbiga PVV Geert Wilders ee wadanka Natherland ayaa soo jeediyey in dumarka Muslimiinta ah ee xijaabka xidha lagu soo rogo ganaax sanadeed dhan 1000 euros(1461 dollars) sanadkii. hadalkan ka jeediyay Baarlamaanka hortiisa xili Baarlamaanka gudihiisa ay ka socotay dood ku saabsanayd Qorshaynta Misaaniyadii sanadka.

 

"Qof kasta oo doonaya inuu qaato xijaabka,oo waa inuu marka hore codsadaa (license) ogolaanshaha" ayuu yidhi xildhibaanku,Wuxuu sidoo kale sheegay in ganaaxa loogu tala galay si dumarka looga cajis geliyo inay qaataan ama ku labistaan dharka Muslimiinta.

 

Arintani maaha maaha markii ugu horeysay ee xildhibaankani Cusuriga ah ee neceb Diinta Islamka uu ku kaco arimo lid ku ah diinta Islaamka iyo dadka Muslimiinta ahba,wuxuu uu hore u sameeyay Filim uu ugu magac daray Fitna oo ku aflagaadeenayo Qura'anka Kariimka ah kaasoo buuq wayn ka dhaliyey caalamul Islaami, weliba wuxuu sidoo kale ku goodiyey inuu Filim kale oo lid ku ah Islaamka uu dhawaan sameyn doono.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this