Sign in to follow this  
Deeq A.

Go’aan noocee ah ayey tahay inuu Farmaajo ka qaato Xiisadda Siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Kenya?

Recommended Posts

Deeq A.   

Nairobi (Caasimadda Online) – Shirar hordhac ah ayaa ilaa xalay ka dhacayay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kuwaasi oo u dhaxeeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo ra’iisul wasaaraha Ethiopia Dr Abiy Axmed.

Waxaa maanta la filayaa in magaalada Nairobi ee dalka Kenya ku kulmaan madaxda dalalka Somalia, Kenya iyo Ethiopia, kulankaasi oo looga hadlayo sidii loo dhameyn lahaa xiisadda diblumaasiyadeed ee u dhaxeysa dalalka Somalia iyo Kenya.

Dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa kusii wada jeedo waxyaabaha kasoo bixi doono Kulanka seddex geesoodka ah ee ka dhacayo Magaalada Nairobi.

Prof. Axmed Macalin Nuur oo ah Macalin dhanka Siyaasadda ah ayaa qabo in Madaxweyne Farmaajo looga baahan yahay inuu qaato go’aan ay ku wada qancaan Shacabka Soomaaliyeed.

“ Madaxweyne Farmaajo waxaa looga fadhiyaa inuu qaato go’aan ka farxiyo Shacabka Soomaaliyeed, waa inuusan ka tanaasulin mowqifka dowladda ee ah inaan gorgorton laga gelin Badda Soomaaliya” ayuu yiri Prof. Axmed oo la hadlayey Caasimadda Online.

Wuxuu sheegay inaysan marnaba macquul aheyn inuu Madaxweyne Farmaajo aqbalo in la joojiyo Dacwadda Badda Soomaaliya ee taalo Maxkamadda Adduunka.

“ Waa inuusan Farmaajo aqbalin in dacwadda Badda Soomaaliya lagu xaliyo qaab Gobol ah, sababtoo ah taas waxay keeni doontaa inay meesha ka baxdo dacwadda hor taalo Maxkamadda Adduunka oo ay u badan tahay inay ku guuleysato Soomaaliya maadaama waxa la isku heysto ay iyada leedahay” ayuu sii raaciyey.

Madaxweyne Farmaajo iyo Uhura ayaa Maanta kulan ku yeelan doono Magaalada Nairobi waxaana dhagaha loo taagayaa waxyaabaha kasoo bixi doono kulankaas oo uu gar wadeyn ka yahay Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this