Sign in to follow this  
Deeq A.

Gabar Soomaali ah oo afduubatay diyaarad oo dalbatay in dib loogu soo celiyo Somalia

Recommended Posts

Deeq A.   

Muqdisho (Caasimada Online)-Gabar Soomaali ah oo lagu magacaabo Caasho Cabdulle ayaa dooneysa in dib loogu soo celiyo dalka Soomaaliya, kadib markii sanadkii 2008 ay afduubatay diyaarad rakaab ah oo mareysay hawada New Zealand.

Haweeneydaan ayaa la sheegay inay xiligaasi isku dayday inay mindi ku afduubato diyaarad kasoo dhaqaaqday magaalada Blenheim  kuna sii jeeday magaalada Christchurch ee dalkaasi.

Caasho Cabdulle ayaa dhameysatay xukun sagaal sano ah oo lagu xukumay, kaasi oo u dhamaaday sanadkii 2017, waxaana labadii sano ee ugu dambeeyay lagu sii hayay xabsiga dalka New Zealand.

Dhaqaatiirta dhinaca dhimirka ah ayaa ku taliyay in Caasha markii ay dhameysatay xabsigeeda lagu sii hayo meelo gaar ah oo cilmu nafsi ahaan loogu daryeelo, maadaama la sheegay inay dhibaato badan la kulantay, loona malaynayo inay sidaasi diyaaradda u afduubatay.

Waxaa ay hadda dooneysaa in dib loogu soo celiyo dalkeeda Soomaaliya,waxaana ay tiri “ma doonayo inaan sii joogo New Zealand,waxaan doonayaa halka ay joogaan qoyskeyga, halkaas ayaan amaan ku helayaa”.

Ma jiro wax jawaab ah oo dowladda New Zealand kasoo baxay iyo wax jawaab ah oo maxkamadda ay soo saartay.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this