Sign in to follow this  
Deeq A.

Dimuquraadiga Oo Baadhitaan Cusub Ku Bilaabay Qoyska Trump Iyo Asxaabtiisa

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Washington)-Kongareeska Maraykanka ayaa Isniintii shalay bilaabay baadhitaankii ugu balaarnaa oo ay ku sameenayaan Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump, qoyskiisa iyo saaxiibadiisa, kiiskan ayaa la xariira ku takrifalka awooda xafiiska Madaxweynaha masuqmaasuqa iyo jabinta sharuucda dalkaasi u yaalla.

nadler-trump2-740x431.jpg

Guddiga Cadaalad u qaabilsan Kongareeska Maraykanka oo ay xiligan hogaaminayaan xisbiga mucaaridka ah ee Dimuquraadiga ayaa amaro dul dhigay 81 qof iyo hay’adood oo ay ku jiraan xubnaha ku dhaw dhaw Madaxweynaha Maraykanka iyo Qoyskiisa.

Jerry Nadler oo ah Guddoomiyaha Guddiga Cadaalada oo awood weyn dalkaasi kuleh ayaa qoraalada u kala diray xubnaha Trump ku dhaw oo laga codsaday inay Guddiga kusoo wareejiyaan dokumentiyo kala gedisan, waxaana xubnaha waraaqaha loo diray kamid ah wiilasha uu dhalay Trump ee Don Jr. & Eric, waxaa isaguna ku jira wiilka uu sodoga u yahay Trump ee Jared Kushner oo ah lataliyaha sare ee Madaxweynaha iyo waliba xisaabiyihii Trump oo lagu magacaabo Allen Weisselberg.

Xubnaha guddiga baaritaankan uu ku daray ayaa waxaa kamid ah hay’adaha xiriirka dhaw laleh Trump sida shirkadiisa gaarka ah & ururka NRA oo u dooda shirkadaha hubka soo saara.

Qaar kamid ah dadkii horey uga soo shaqeeyey xukuumada Trump ayaa iyaguna ku jira xubnaha baaritaankan lagu daray sida; Xeer-illaaliyihii hore Jeff Sessions, Lataliye-yaashii hore ee Steve Bannon & Hope Hicks iyo madaxa WikiLeaks Julian Assange.

Sidoo kale Qareenka gaarka ah ee Trump oo lagu magacaabo Jay Sekulow ayaa laga codsaday inuu xog badan kusoo wareejiyo guddiga baaritaanka wada.

Dhamaan xubnahan ayaa lasiiyey inay 2 asbuuc gudahood xogta laga codsaday kusoo wareejiyaan guddiga.

Xisbiga Dimuquraadiga oo bishii Janaayo ee sanadkan la wareegay aqlabiyada Kongareeska Maraykanka ayaa dardar geliyey baaritaanada ay ku wadaan xukuumada Trump iyadoo ay qaar kamid ah Xildhibaanada Dimuquraadiga ay horey uga dhawaajiyeen inay suurto-gal tahay in mustaqbalka dhaw la bilaabo kiis xilka looga xayuubinayo Trump, walow uu Madaxweynaha ku tashanayo Xildhibaanada xisbigiisa Jamhuuriga ee iyagu heysta Aqlabiyada Aqalka Sare ee Senate-ka.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this