Sign in to follow this  
Deeq A.

Cabdillaahi Cukuse Oo Loo Magacaabayo Afhayeenka Xisbiga KULMIYE

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa waxa la filayaa in loo magacaabo afhayeenka xisbigi xaakimka KULMIYE, sidaa waxa loo xaqiijiyay wargeyska geeska afrika oo shabakadda Somalilandtoday ay warkan ka soo xigatay.

wasiirka-warfaafinta-cukuse.jpg

Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse oo xilal wasiirnimo oo kala ahaa Warfaafinta iyo xannaanada xoolaha ka soo qabtay xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo, ayaa la sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu go’aansaday in uu u magacaabo Afhayeenka xisbiga KULMIYE, kuna daro hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE.

Siyaasi Cabdillaahi Maxamed Daahir ayaa markii tallada dalka wareegay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa safar ku tagay dalka Ingiriiska, waxaana la sheegay in uu hawlo waxbarasho u joogo halkaasi

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this