Sign in to follow this  
Deeq A.

Masar oo quburo amni u soo direysa Soomaaliya

Recommended Posts

Deeq A.   

Qaahira (SMN) – Wasiirka arrimaha gudaha dalka Masar ayaa shaaca ka qaaday in ay qorshaynayaan sidii ay Soomaaliya ugu soo diri lahaayeen Quburo dhanka amniga, kuwaasi oo tababari doona ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Maxamuud Towfiiq wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Qaahira ayaa sheegay in wasiirka amniga DFS Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale ay ka wada hadleen qorshaha ay saraakiisha dhanka amniga ugu soo dirayaan Soomaaliya, kadib madib kulan ay ku sheegeen magaaladda Qaahira ee caasimadda dalkaasi.

Sidoo kale waxa uu xusay in dhiggiisa Soomaaliya uu soo dhaweeyay dowrka Masar ay haatan ka qaadaneyso hoggaanka Africa.

Wasiir Tawfiiq ayaa ugu dambeyn hoosta ka xariiqay in wasaaraddiisu ay taageero siin doonto ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya.

Hadalkani ayaa imaanaya, xilli dhawaan madaxweynaha JFS Maxamed Cabdulahi Maxamed Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ay shir uga qeyb galeen dalka Masar.

View the full article

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this