Sign in to follow this  
Deeq A.

Sawirro: Al-Shabab oo soo bandhigay muuqaallada saldhigii ciidamada Kenya ay kala wareegeen dhowaan

Recommended Posts

Deeq A.   

Faxfaxdhuun (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaallo muujinaya saldhigga Faxfaxdhuun ee ay kala wareegeen ciidaamda dalka Kenya.

Ciidamada Kenya oo muddo ku dhow 10 sannadood hestay degaanka Faxfaxdhuun ee gobolka Gedo labadii bishan isaga baxay, waxaana  durbadiiba dib ula wareegtay kooxda Al-Shabaab.

Sida ka muuqata muuqaallada ay baahisay Al-Shabaab, ciidamada Kenya ayaa xerada ka tagay iyadoo sideedii u dhisan iyo qaar ka mid ah agabyadoodii.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab oo shir jaraa’id qabtay dorraad ayaa sheegay in ciidamada Kenya ee Gedo ku sugnaa ay haatan ku hareen oo kaliya degaanka Buusaar.

Hoos ka daawo muuqaallada ay soo bandhigeen Al-Shabaab

1.jpg 14.jpg 13.jpg 12.jpg 9.jpg 8.jpg 6.jpg 5.jpg 4-43-22.jpg 4.jpg 3.jpg

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this