Sign in to follow this  
Deeq A.

Wixii Wallawayn Waqooyiga Badaa Wajeerna Ka Waalanaysaa By: Cabdirisaaq Xasan

Recommended Posts

Deeq A.   

Waxii ay wallaweyn waqooyi badaa wajeerna ka waalaneysaa . Markii ay Somaliland iyo Somaaliya midoobeen , waxa yar kadiba Somaliland waxey oggaadeen in aaney dadkani dadkii ay moodeen aheyn . Haddana iyada somaaliland wax yaaba badan xeerineysa kuma ay degdegin in dib uga noqdaan midawgii ay horseedka ka ahaayeen , waxase jirtey in ay marba marka kadanbeysa isa soo tareysey dhibaatooyin cusub iyo mustaqbal madoob ee ay food saareen . Waxa ay u galeen maamul cadow oo Arxan daran oo boqol jeer ka xun mustacamarkii ay xoriyada ka qaateen . Waxa ay wajaheen waxa aaney fileyn . Waxa soo baxayey sida aaney uga ka raali aheyn isku darkii labada dal ee somaliland iyo somaaliya , sidii inqilaabkii fashilmey ee 1961 iyo dareena badan oo ay qaarkood murtida Somaaliland hodanka ku tahey ay ku cabbirijireen tabashidooda iyo rajabeelka u muuqadey . Markii ay kiiniya xorida qaadatey waxa ingrisku ku kiiniya ku raaciyey NFD oo ah gobol somaaliyeed . Somaaliyan rajo riya ah ayey ka qabtey in somaaliya lagu soo daridoono laakiinse taasi maydhicin .

3E90B618-1B93-42AD-934C-170B1FF554E0.jpe

Markaasey saluugii ay qabeen reer Somaliland ay u arkeen in ay wajeer door bidey in ay kiiniya la sii joogan waa markaa ay lahaayeen waxii ay wallaweyn waqooyi badaa wajeerna ka waalaneysaa . Waxa kala oo jirtey markii ay Jabuuti calanka qaadatey in ay markaana reer somaaliland u digeen Jabuuti oo suugaana wax ugu sheegeen Jabuuti waa markii ay ku lahaayeen ka joog Jabuutay ka joog anagaa ku jabbneye ka joog , Marna waa kii Cabdi iidaan lahaa ninowna dawlada baa xamar kaa xigta haw durbbaan tumine marna waa ku wii laha dalka inta kale oo maqan hadaa xamar heshiiseen idinka oo liita larkee . Runtiina waa la arkey . Somaliya Waxa ay weerer aan kaasookale la arg ku qaado itoobia gaar ahaan degaanka Somalia ee etoobiya , halkaas ay ka geysteen xasuuq aan loo aabe deyin oo cagta mariyeen dad iyo duunyo wixii ku dhaqnaa . Waxa ka sii dareyd xasuuqii aan kaasoo kale la arg ee ay ka geysteen somaliland oo ay u adeegsaney hubbka noocyadiisa oo ay ku jiraan diyaaradaha ku waa soo aan dad , xoolo iyo xitaa Bono aan waxa lasheego ka tegin ilaa dad iyo duunyo wixii ka badbaadey ay itoobiya u galeen . Somaalia dhibaata kuma heyso oo kale degaanada kale somaalidu degto ee waxa dhibaato ku heysaa aduunyada oo dhan .

Soomaaliya waxa ku jira dad haddii ay madax noqdaan ay balwad u noqotey in ay dadka laayaan oo aan miyrsan ilaa dhagar geysteen iyaga shaki ka qaada in ay madaxnimada laga qaadayo haddii aney waxa dilin . Waxa fiican in somaliya la iska illaasho iyagana la kala illaasho .By: Cabdirisaaq Xasan

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this