Sign in to follow this  
Deeq A.

Juan Guadio Oo Madaxweynaha Venezuela Isku Magacaabay Oo Ku Laabanaya Dalkiisa.

Recommended Posts

Deeq A.   


(SLT-Venezuela)Juan Guaidó oo sheegtay in uu yahaya madaxweynaha ku meel gaarka ah ee Venezuela ayaa ku baaqay in dad badan ay sameeyaan mudaaharaad isaga oo ku dhawaaqay in uu dib ugu laabanayo dalkaas uu mashaakilku ka taagan yahay.

B5675EC1-FEC8-43D0-9F94-52E5434345DC.jpe

“Dadka reer Venezuela oo dhan waxaan ugu baaqayaa in ay bari 11 subaxnimo isku soo baxaan,” ayuu Axaddii ku soo qoray Twitterka.

Guaidó oo aqoonsi ka haysta in kabadan 50 dal ayaa madaxweyne Nicolás Maduro ugu baaqay in uu is casilo.

Balse Maduro ayaa ku doodaya in uu yahay madaxweyne sharci ah, wuxuuna taageere ka haystaa Shiinaha, Ruushka iyo Cuba

Madaxa Arrimaha Dibadda ee Midawga Yurub Federica Mogherini ayaa ka digtay in waxyeelo loo gaysto Guaidó “ay keeni karto in xiisaddu ay ka sii darto” beesha caalamkuna ay arrintaas cambaarayn doonto.

Guaidó ayaa bishii hore u tallaabay xadka Colombia, intaas ka dibna wuxuu socdaal ku maray dalal dhawr ah oo Laatiin Ameerika ku yaalla, madaxweyne ku xigeenka dalka Maraykanka Mike Pence ayuuna kula kulmay Colombia, intii uu socdaalkaas ku jirayna wuxuu sidoo kale la kulmay madaxweynaha cusub ee Brazil Jair Bolsonaro.

Waraaq uu Twitterka soo dhigay ayuu ugu mahadceliyay dalalkaas.

Ninkan oo ah gudoomiyaha baarlamaanka oo mucaaradku u badan yihiin ayaa si iskii ah isugu tilmaamay madaxweyne bishii Janaayo, arrintaas oo qayb ka ahayd dadaal uu ku doonayay in xilka looga tuuro Maduro oo hogaaminaya dalka Venezuela oo mashaakil sii kordhaya ka taagan yahay.

Malaayiin dad ah ayaa dalkaas isaga qaxay, Guaidó ayaana Axaddii kula kulmay Ecuador.

Guaidó oo la kulmaya dadka dibad jooga ah ee dalkiisa
Dhanka kalana Maduro ayaa xiray xadka isaga oo wada dadaal uu ku hor istaagayo in ay dalka soo gasho mucaawino ay mucaaradku dalbadeen.

Ugu yaraan labo ruux ayaa ku dhimatay isku dhacyo dhexmaray ciidammada iyo dad mudaaharaadayay bishii hore.

Milatariga Venezuela ayaa aad u taageersan Maduro, inkastoo ay soo baxayaan warar sheegaya in ay sii kordhayaan masuuliyiin ka goosanaya ciidammada

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this