Sign in to follow this  
Deeq A.

Ugu Yaraan 22 Qof Oo Ku Dhintay Duufaan Ku Dhufatay Dalka Maraykanka

Recommended Posts

Deeq A.   

(SLT-Lee County)-Ugu yaraan 22 ruux oo qaar ka mid ah ay carruur yihiin ayaa dhintay ka dib markii ay duufaan xoog badan ku dhufatay deegaanka Lee County ee gobolka Alabama.

40c1aaba-f596-4c5e-a354-bcf5ec56e42a.jpg

Jay Jones oo ka tirsan masuuliyiinta deegaankaas ayaa wakaaladda wararka ee AP u sheegay in dhibaatadu ay intaas ka sii badankarto, gurmadkii degdegga ahaa ayaa la baajiyay tan iyo waabariga ka dib markii laga baqay halista ka dhalan karta in baadigoobka la sii wado iyadoo uu dhulku mugdi yahay.

Dhibaatadu waxay ka taagan tahay baaxadda burburka guryaha, ayuu u sheegay CNN.

Lama oga inta ruux ee halkaas ku dhaawacantay. Masuuliyiinta ayaana gooyay jidadkii galayay.

Waaxda qaran ee la socoshada cimilada ayaa sheegay in dabayshu ay saacaddii jaraysay ilaa 266km saacaddiiba.

Source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this