Sign in to follow this  
Deeq A.

Midhaha Avocadadu waa dawo mucjiso ah. Q’1aad

Recommended Posts

Deeq A.   

Avocado waa midho aad u qaniya xagga caafimadka jidhka cunto ahaan , timo#marsi iyo maqaar maris ahaanba( saliid ama cream ahaan).
Maxaa ku jira ee macdana

Waxaana ku jira macdano qaaliya oo ku yar khudradaha kale sida:-
vitamins B, C, E, and K.
Iyo sidoo kale macdanaha potassium iyo copper.
Isku dhisyada ay ka koobantahay ee kale xaga macdanaha ku jira
68 grams (g), oo avocado ah ama xabad jeexeed waa
Calories 114
Dietary fiber 6 g
Total sugar 0.2 g
Potassium 345 milligrams (mg)
Sodium 5.5 mg
Magnesium 19.5 mg
Vitamin A 43 micrograms (μg)
Vitamin E 1.3 mg
Vitamin K 14 μg
Vitamin B-6 0.2 mg
Monounsaturated fatty acids 6.7 g

Xaga caafimaadka
1. Avocado waxay ay aad wax uga tartaa xanuunad ku dhaca wadnaha
(cardiovascular disease).
2. Waxa ay avocado kaa cawinaysaa inaad rido miisaankaagu haduu culusyahay
( weight loss).
3. Waxay kaa cawinaysaa xaga indhaha oo ay aad ugu fiicantahay waayo waxa ku jira avocado maadooyinka (lutein and zeaxanthin) oo labaduba ah phytochemicals ku waa oo kaa caawinaaya inay indhaaga aragoodu sugnaado.
4. Waxay door weyn ka ciyaartaa avocado ka hor taga xanuunka cancerka
5. Waxay ay hagaajisaa khalkhalka ku dhaca dheefshiidka waxana ay la dagaalantaa calool istaaga (prevent constipation).
6.waxay la dagaalantaa cudurada soo jiitama ama soo noqnoqda marka dawadooda la qaato ( chronic diseases)
7. Waxay door aad u weyn ka ciyaartaa kor u qaadida dheeli tirka sonkorta jidhka.

Lasoco qaybaha dambe…..
Xuquuqda qoraalku waxay u reebantahay qoraaga

W/Q Cabdi Cawiye +252634115877

Qaran News

Share this post


Link to post
Share on other sites
Sign in to follow this